"ka xorooba qaadka"

0
Thursday September 08, 2016 - 23:06:56 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "ka xorooba qaadka"

    Maansadan waxa curiyey oo ay maskaxdiisa ka soo maaxatay abwaan Cabdinaasir Cabdi Yaasin ( saacid)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan waxa curiyey oo ay maskaxdiisa ka soo maaxatay abwaan Cabdinaasir Cabdi Yaasin ( saacid)

,Marka ay taariikhdu ahayd 16 /09/2015. Waxa abwaanka ku dhaliyey in uu alifo maansadan markii u kuur galay dhibaatada jaadku ku hayo bulshadeena, isaga oo waxyeeleeya dhinacyo kala duwan sida: dhaqaalaha, caafimaadka, dhaqanka, dadnimada IWM. Hadaba waxa uu abwaanku si qotodheer ugu hogo tusaaleeyey maansadan magaceedu kor ku xusan yahay, kuna bilaabmaysa sidan soo socota:

Maansada xageedaba

Xagaagan waan ka gaabshee

Xaluun bay igu dhalatay

Sidii xays curtaye

Xaaladaha cakiran

Ee bulshada ku xoomaa

Xanuun weyn igu beeree

Mid hadaan ka xuso

Qaadkaan soo xulaye

Aafadan xooga ah

Waa ka ina xabaalee.

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Inta qaadku xaalufiyey

Shalay nin xoolo lahaa

Xawaalado tabcaday

Xarumahoodu faafeen

Xaramkana tagee

Dadku xaaji odhan jiray

Maantana xayraanee

Xaynina ku hadhinee

Xoqonaaya madaxa.

****************

Xumad baan dareema

Marka aan xasuusto

Inta uu xis tiray hanad

Shalay xeerbeegti ahaa

Markay xaajo murugto’ee

Xarbi culus dhaco’ee

Xinjiro dhiigi daataan

Garta loo xuli jiray

Maantana xufee

Aan xaraf la weydiin

Ku xareysan cilaajka

****************

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Inta qaadku xayo tiray

Shalay wiil xaragoon jiray

Hu xariira sidan jiray

Gaban xaruuriya ahaa

Xidigaha filkiisuna

Ku xafiltami jireen

Inay xilo ka dhigtaan

Maantana xay ahee

Aan gayaanba xaalayn

****************

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Inta qaadku xajiimeeyey

Shalay nin xeedhadiisu

Xiliga ay madhan tahay

Xadhig dhexda ku gigi jiray

Xasayn jiray baahidiisa

Rabigii ku xidhnaa

Maantana xag-xagashiyo

Shaxaad xad dhaafi

Xeeladiisa noqdeen

******************

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Xaafid qaadku ibtileeyey

Shalay xiftiyey quraanka

Xigtay cilmi badan ee

Ku hamiyaayey xajka

Dadku wada xurmayn jiray

Maantana iimaan xumi

Intuu xooray kitaabkii

Xaaraantu uga soocnayn

Xalaasha daahirkaa

*****************

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Ninka qaad u xiiqsan

Shalay xidhiidhin jiray ehelka

xididka iyo sokeeyaha

Xogahooda ogsoonaa

Xaqa dariska yaqiin

Maantana aan xaadirin

Qof xijaabtay aaskii

Xawilaaya aleenkiisa

Iska xayuubshay sharaftii

*****************

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Aabo qaadka u xidhxidhan

Shalay xilkas ahaan jiray

Xaaskiisa uroonaa

Xaanaanayn jiray ubadka

Maantana xusul laaban

Majlis xashiishku wadhan yahay

Xilihiisiina gabayee

ka xistiyey dhuuniga

U xuubsiibtay diboodnimo.

********************

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Xildhibaan qaadku doorshay

Shalay xilka gudan jiray

Ku xeeldheeraa sharciga

Xaq u dirir ahaan jiray

Aan xatooyo aqoon

Maantana xil ku noolee

Qalinka wax ku xadee

Xafiiska ku duudsiya

Xuquuqda maatida.

********************

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Gabadh lagu xanto qaad

Shalay xuurar cayn ahayd

Dhabano xabuuba leh

Xushmad loogu deeqee

Aan xijaabka dhigi jirin

Xubi la wadaagtay loofar

U xantoobsha jaadka

Maanta xoqmay dheehi

Xubin kastaa caato tahay.

*******************

Xumad baan dareemaa

Marka aan xasuusto

Xabashida jaadka

Intay soo xagaafto

Ku soo xaadha dalkeenee

Xambaarata lacagteena

Dadkaygow xisaabtama

Xalka baadi gooboo

Ka xorooba qaadka

Xukumad iyo shacab-ba

Xakameeya jaadkoo

Xadkeena udiida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip