Hadaba Yaa Ku Abtirsanaya Qaranka Somaliland? Iid Xasan Aw Muuse

0
Monday September 19, 2016 - 22:55:36 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadaba Yaa Ku Abtirsanaya Qaranka Somaliland? Iid Xasan Aw Muuse

    Qoraalkaygani waa qaylo dhaan ku socda inta fikirta ee in uun wax fahmaysa ee umadda reer Somaliland ka mid ah. Waa mid aan ku tusaalaynayo tubta qarankani cagta saaray ee u horseedi karta in uu curdin dhadho oo uu dib u saqiiro eebe kama yeele.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkaygani waa qaylo dhaan ku socda inta fikirta ee in uun wax fahmaysa ee umadda reer Somaliland ka mid ah. Waa mid aan ku tusaalaynayo tubta qarankani cagta saaray ee u horseedi karta in uu curdin dhadho oo uu dib u saqiiro eebe kama yeele.

Shuruuda ugu horaysa ee umaddi buuxisaa si ay Qaran (nation state) u noqoto, sida Axdiga Montevideo (Montevideo Convention) ku xardhan waa bulsho suggan (Permanent Population). Sugnaanta (permanent) bulsho waxa loola jeedaa in qaranka la iclaamiyay yeesho dad ku abtirsada oo abtirsiintaasi noqoto tay kaga duwanyiin dadyowga quruumaha addunka ee kale, xitaa kuwa ay isku isirka (ethnic) yihiin amma isku midabka (race) yihiin amma isku diintaba (religion) yihiin. Hada la soco Calan iyo luqad toona lama xusine shuruud lagama dhiggine.

Hadaba qoraalkaygani waxa uu markhaati u yahay in Somaliland walli buuxin shuruudi ugu horaysay ee Qaran lagu noqonayay ee bal akhrista oo ka bogta dabadeedna aynu u wadda hawl galno sidii aynu isku sixi lahayn.

Innan reer Somaliland ah ayaa maalin dhawayd Somalia (Muqdisho) tagtay iyadoo ka qayb gallaysay Muqdisho Book Fair.

Sida aan ka daawaday TVga Dalsoor la yidhahdo, inantaasi qudbad ayey ka jeedisay munaasibadii lagusoo marti qaaday. Inantaasi waa inan dhalinyaro ah oo aan qiyaasayo in ay ka mid tahay jiilka calanka tawxiidka leh ku hoos dhashay ee wax ku hoos bartay.

Intaanan video geeda daawan waxa aan maqlay inan reer Somaliland ah ayaa calanka Somalia markay aragtay ooyday ee laakiin markaan indhahayga ku daawaday dhagahaygana maalay waxa ii soo baxday in xaqiiqadu tahay in oohin calan la iskaga oohiyo wax ka wayni madashaas ka dhacay.

Inantii qudbad ayey qabsatay oo hadal dareen fog oo xoogan xambarsan ayey ku qudbadaysay.

Inantii yarayd ee Somaliland ku dhalatay ee ku barbaartay ee wax ku baratay waxa ay si qiiro leh u sharaxday dalka ay iyadu u bugto in ay aragto isagoo fayow oo barwaaqadii iyo horumarkii uu ku sugnaan jiray waagi hore na kusoo noqdo iyadoo markaa tibaaxday in ay aaminsantay in kuwa ay ka timid, intay dalkaa burburiyeen, imakana afduub rabaan in ay gobol ku xidh-dhaan oo dunida shilimaadyo kaga gurtaan.

Sidoo kale ahaanshaha qudha ee ay aaminsantay ee qaranimo ayey si qiiro leh u muujisay in ay tahay "Soomaali-nimmo”. Hadalka inantani jeedisay ma ahayn mid kaftan iyo dadka aad horjoogto raali galli ah ee wuxu ahaa hadal caqiidaysan oo laabta kasoo go'ay.

Hadaba miyaanay muhiim ahayn oo waajibka ina saaran ahayn in aynu iswaydiino sida ay ku timid in ilmo amma muwaadin reer Somaliland ah, oo Somaliland intay dib u curatay ku hoos barbaaray waxna ku hoos bartay, ay noocaas u fikirto? Halkee lagaga shubbay caaqidadan ay aaminsantay? Ma kaligeed baa mise dhalinyaro badanoo kale oo sidaas u fikiraysa ayaa dalka jooga?

Qaran waxa lagu yaqaana oo dhaqan iyo dabeecad u ah in, marka ay wax jiritaanka qaranimo iyo umadnimo halis gallin karaa dhacaan, baadhitaan laggu eegayo waxa keenay la sameeyo.

Xaqiiqadu waxa ay tahay in Nimco kaligeed ahayn ee qaar badanoo kale oo qaarkood qarsan ay jiraan, siina badan doonaan haddii sida aynu imika nahay kusii sugnaano.

Dabcan Nimco Somalia may ku korin ee Somaliland ayey ku kortay fikirkeedaana kaga abuurmay kana heshay macluumaad iyo dhiiri gallin ay ku aaminto waxa ay maanta aaminsantay.

Anigu Nimco lama yaabayo waayo waxba laguma shubban oo haddii wax lagu shubban lahaa sida ay Soomaali nimmo iyo midnimo ugu qiiroonayso (oo dabcan iyada lagu shubtay) ayey Somaliland na ugu qiiroon lahayd. Caruurta maanta Somaliland ku barbaaraya ma waddaniyad qorshaysan oo laggu beeraa jirta? Jawaabtu waa maya! Macalinka skuulka dawlada hortaagan ayaa ku odhanaya markii qaranka la ahaa, waxa kaloo jira boqolaal skuul private ah oo cidna ogeyn waxa lagu dhiggo.

Waxa mar walba looga sheekeynayaa halyeey Soomaaliyeed, abwaan Soomaaliyeed, fanaan Soomaaliyeed, siyaasi Soomaaliyeed, Ganacsade Soomaaliyeed, hide iyo dhaqan Soomaaliyeed oo ilaa madaxwaynaheena ayaa oday Soomaaliyeed ah! Buugi la qoro ee bulshada iyo dhalinyarada reer Somaliland loosoo bandhiggaana intaa uunbuu ka hadlayaa markaa side la rabbaa in ahaanshe Somaliland-nimmo ku abuurmo haddii aynu waynay-nayno oo maalin walba xusayno ahaansheSoomaali-nimmo?

TV ga qaranka JSL ayaa ugu horeeya meelaha Soomali nimada lagaga beero caruurta iyo bulshada reer Somaliland oo inta ka hawl gashaaba ee barmaamijyada kasoo daayaaba waxa ay ka xishoodaan in ay muujiyaan ahaanshaha qaran ee umaddan, TV-yada gaarka loo leeyahayna hadalkoodaba daa.Sidoo kale waxa ay wada buun-buuniyaan isku mid ahaanshaha "Umadda Soomaaliyeed” oo siyaasad cad oo dareen qaranimmo Soomaaliyeed dib loogu abuurayo ayaa laggu haggaa.

Siyaasadaha dareenka qaranimmo Soomaaliyeed dib loogusoo noolaynayo waxa ka mid ah in dadkeena reer Somaliland colaad loo galliyo Ethiopia iyo Kenya oo maanta si xawli ah magaalooyinkeena uga dhex socota. Dalwadaagtayeey sheekada Nimco iyo waxa dalkeena gudihiisa ka socdaa waxa ay ina tusayaan khatar kusoo wajahan jiritaanka Qaran ka Somaliland markaa waxa aan leeyahay amma dhaqankii qaran lahaan jiray aynu la nimaadno oo Qaran aynu noqono oo isadaba qabano intay goori goor tahay amma aynu sugno inta caruurteena la inagala wada hoos baxayo ee iyagu qarankan nugul dib u duminayaan!

Iid Xasan Aw Muuse,

Musharax Golaha Wakiilada JSL

iidsl@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip