Abwaan Maxamuud M. Yaasiin "Dheeg": Hogol Mar Qudha Curatay, Manfaceeduse waaray Cabdirisaaq Salaan

0
Monday September 19, 2016 - 23:08:30 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Maxamuud M. Yaasiin "Dheeg": Hogol Mar Qudha Curatay, Manfaceeduse waaray Cabdirisaaq Salaan

    Inan yahay diraaciyo Dirir hooray kala wacan Adoo doog arkaayana Lama dago abaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inan yahay diraaciyo Dirir hooray kala wacan Adoo doog arkaayana Lama dago abaaraha

Nin tiisiiba daayacay

ka kalee dugsanayaa

Ani ii kalaa doqonsane

Dadnimada aqoonsoo

Sidii dumar xishooyoo

Hadalkii la dadi jiray

Ha igu odhanin Dibaddee

Maxamuud M. Yaasiin Dheeg (Talo iyo Tallaao, 1967) ay qaadeen Maxamed Axmed "Kuluc” iyo Xaliimo Khliif "Magool”

Saddex sano oo qudha ayuu Masraxa taagnaa, Waxase uu kaga tagey suugaan u dhiganta sagaashan sanno. Wuxuu soohay oo sameeyey Mid ka mid ah riwaayadihii soo maray taariikhdii gaabnayd ee marsaxa Soomaalida, kuwoodii ugu shislaa, oo wadatay hormo heeso ah oo aan horey iyo dibba noocooda loo samayn. Waxaan is waydiiyaa Soddon sano haddii uu ku jiri lahaana muxuu innagu soori lahaa? Bal Adba!

Dadka badidiisu waxa ay ku kuunyaan summadda uu gadaal ka qaatay ee ‘Xildhibaan Dheeg’.Waase Maskaxdii ay ka soo maaxatay Riwaayaddii 'Talo Iyo Tallaabo' oo ahayd curaddiisii masraxa 1967-kii. Wuxuu ku googooyay heeso dhaygag iyo dhabanohays reebay,oo dhaxalka taariikhda masraxana dhaabad wayn ku yeeshay 'Dadnimada Aqoonso, Tukeyohow, Bari Hore Waxaa Jiray, Sida Canabka Beeraha, Ma Sal-Guuro Caashaq', iyo qaar kale oo badan…

Si ka duwan sida ay maanta Masraxa iyo suugaantu noqdeen, Abwaan dheeg iskama soo shuf odhan Sharuud la’aan. Wuxuu ka soo shaacay tartan shirraban, oo sheeggan. Waxa uu la soo shir tagay Maansooyin iyo heeso Shaaximan.

"1967-kii ayaan Xamar qabtay. Maalin uun baa la I yidhi; ‘Waxaa idaacadda laga doonayaa, Mu’alif Riwaayadaha Iyo Heesaha Sameeya’. Waan tagay. Waxaa la igu yidhi ‘Waxaad soo samaysaa Gabay ka hadlaya Juquruaafiga Soomaaliya; Halka ay ku taal, Diinteena, Dhaqaaleheena, Midabkeena IWM. Iyo Hees ka hadlaysa dhulka quruxdiisa iyo dabeecadda, ka dibna quruxdaa iyo barwaaqaddaa ku dhererinaysa Muhiimadda calanka. Iyo buraanbur iyo suugaan kale, Muddo Afar iyo Labaatan saac gudohood ah” ayuu I yidhi, mar aanu kulan hawleed ku yeelannay Xarunta Dhaqanka Hargeysa.

"Waaniga soo sameeyey Gabaygii, Heeskii, Iyo wixii kale ee la igu jirrabay. Madashii ayaan ula dheelmaday. Tartankii galnay. Guddidii garsooraysay natiijaddii ku dhawaaqe. Waxaa kaalinta koowaad galay Maxamuud Maxamed Yaasiin "Dheeg”. Waan yaabay! Waxaa meesha maraya Rag iga waawayn oo heesohooda iyo riwaayadohoodu caan bexeen, balse tartanka ku jira si loo gunneeyo. Rag baa ku jira Idaacadda Xaq wayn ku leh oo heesohooda Dalabaadka la saaro. Guddidii dib ayay isugu noqotay. Waxa ay qaar ka mid ahi soo jeediyeen in Raggaas waawayn ee tartamaya Kaalinta koowaad iyo labaad loo daayo” Ayuu intaas ku daray Abwaanku.

"Waxaa guddida Madax ka ah Cabdalle Raage Taraawiil. Nin Mudakar ah oo hal adag buu ahaaye, wuxuu war ku soo gunaanaday [isagoo la hadlaya guddidii]. ‘Waaryaadha dhegeesta; Ma rag idaacadda xaq ku leh baa la inoo diray, Mise Qofka ugu midho wanaagsan? Hadday Midho noqotana anigu ninkaas yar ee caatada ah baan qaadanayaa; Hadday xigto-xigto noqotana Abkoow Mid Abgaal ah oo guuraaba ayaan ceel-gaabta uga yeedhaa!” ayuu raaciyay.

Maxamuud Maxamed Yaasiin "Dheeg” Maalintaasba wixii ka dambeeyey sidaas ayuu bahda Masraxa ee Radio Muqdiyo uga mid noqday. Waxaa isla maalintaas la wada qaatay, Axmed Cali Cigaal oo isna tartan xagga cod-samaynta ah galay, markii dambena u xuub siibtay heesaa. Sida uu ii sheegay Abwaanku, Axmed Mooge Liibaan ayaa isna maalmo ka hor tartan codka ah kaalinta koowaad galay, guddidana u ahaa teeb-haye (Karaaniga wax qoraya).

Abwaanku waxa uu la fil ahaa facii Masraxa Soomaaliyeed Ugu doorka roonnaa. Waa hilaaddii masraxa ka doob-ridanaysay xiliga aynu ugu yeedhno Beri-samaadkii (Golden Era) masraxa Soomaalida. Waa toddobaatannaadkii illaa sideetamaadkii. Waa Rabacii dhashay intii u dhaxaysay 1940nadii – 1950nadii horraantoodii. Hal-abuurkii ay isku hilaadda ahaayeen waxaa laga xusi karaa; Maxamed Cali kaariye, Maxamuud C/laahi Ciise "Singub”, Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi”, Axmed Saleebaan Bidde, Maxamuud Tukaale, C/kariim Faarax Qaarrey "Jiir”, Jiim Sheekh Muumin iyo qaar kale oo bad ah.

Sannadkii 1942-ayuu dhashay. 2 5 sano oo kali ah ayuu jiray, markii uu fanka galay Soddon intaanu gaadhinna cagaha ayuu kala baxay saaxadda fanka, waxuuse cidhbaha kula sii jiray Dunnida hal abuurka kale sida gabayadda iyo silsiladaha maansada.

Dheeg suugaantiisu waxa ay u kala rogan tahay inta qaabadood ee Suugaanta Soomaalidu u quban tahay. Diinta iyo Islaamka, Guubaabo iyo Badhi-gantaal, Hawaale warran, Gareexo iyo Gar-Naqsi, Haasaawe iyo Kalgacal, Kaftan iyo gole-ku-haasaw, siyaasadda, dhaqanka iyo dabeecadda, qaybaha nolosha, wuxuu sidoo kale shumuc wayn ka ahaa taxanaasha suugaaneed iyo qaaar kale oo badan oo aan la koobi Karin. Markii uu Cabdi Iidaan Faarax (AHUN) uu Silsiladdii caanka ahayd ee deelleyda ee ay ka qayb qaateen hal-abuurkii 1980-naddii Gadh-madoobaha ahaa, uu xarafka Shiinka (Sha’da) u roggay, dheeg waxa uu ahaa Ninka Kali ah ee ka Jawaabbay Halxidhaaleyaashii Jirrabka miidhan ahaa ee uu Cabdi Iidaan ku warjeefay badiba hal-abuurkii ku doob-ridanayay silsiladdan caan baxday.

Waloow meel kale oo loo raacdaa aanay jirin, aanse ahayn maskaxdiisa miiggan ee xusuusteedu maaxan ogtahay, ‘Talo iyo Tallaabo’ waxa ay tahay mid ka mid ah masrixiyadiihii Soomaalida kuwoodii ugu Mudakarsanaa, haddaanay ahaynba tan koowaad ama labaad. Waxaan muusoodaa markii uu ii marinayo mid ka mid ah mahadhooyinka Masraxaas ku jiray. Waxa aan ku hawaawiyaa ‘roonaan lahaydaa masraxaas oo qalin lagu duugaa, odaygu maanta ayuu inala joogaa, barrise allaa og’.

Haddii aan soo qaato mid ka mid ah hal-muceedyadda ku jiray riwaayaddaas, oo aan iyada oo qudha buug iyo laba toonna lagu soo koobi karin’. Waa sababihii riwaayaddaas ku jiray ee ay ku yimaaddeen qaar ka mid ah Heesaha Magoolay ee caan baxay ee ay riwaayaddaasi wadatay, oo aan ka warsadday saddex ka mid ah, aniga oo la shaqaynayay Xarunta Turjumaadda Suugaanta Caalamka (Poetry Translation Centre) si dib u sixid iyo sugid loogu sameeyo heesahaas oo xaruntaas lagu turjumi doono.

Riwaayaddu waa haasaawe iyo kalgacal (Romance) ay hoos socoto hannuunin iyo hagaajin ummadeed. Waa afar ay lababa gaar isu ilaalshadaan. Waa Maxamed Axmed ‘Kuluc’ iyo Xaliimo Khaliif Cumar Magool (AHUN labadabee) iyo Maxamed Jaamac Joof (AHUN) iyo Maryan Mursal Ciise.

Maxamed Axmed Kuluc, Waa wiil dhalin yar ah. Waxa uu ka soo jeedaa reer dan yar ah. Aabihiis waa dillaal oo raashinka uu miiska soo saaraa reerkaba kuma filla. Maxamed waa macalin atlas (private school) wax ka dhigga. Magoolna waxa ay ka soo jeeddaa reer ladan, oo nagi.

Maxamed uu galbihii soo hoos maraa daar wayn (fooq) oo ay dariishaddiisa ka lulato Magool. Galab walba waa ay aragtaa oo muuqiisa ku il doogsataa. Judhiiba daruurtii caashaqu ayaa ibaysay oo ku hibitiqday. Saa maalintii waa ay sii sugtaa. Galbihii ayuu jidka soo maraa, iyana duhurka ayay muraayada ku dherersataa. Allaylehe miyaad jillaabta riddatid! Iyo haye iyo hawraarsan.

Saaxiibaddeed oo ay iskuulka wada dhigtaan oo Maryan ah ayay talo ula tagtay. ‘Saaxiibeey wiil dariiqa soo mara ayaan jeclaaday. Wax aan ku idhaana ma aqaan. Inta aynu waddada joogsano ayaan fariintayda dhiibanayaa, walaaleey waanse xishoonayaaye i raac’ haye iyo hawraarsan. Waddaddii ayaa la joogsaday. Inankii Maxamed ahaana soo mar jidkii. Waa ay la hadleen. Wuuse iskaga dhaqaaqay. Maalin kale, sidii si leeg. Maalin kale. Tii mid la mid ah. Maalintii saddexaad;

"Inankoow” ayay yidhaaheen. "Naa Maxaad Leedihiin?” ayuu ugu jawaabay. "Walaal Inantan baa ku jecel” Wuu iskaga dhaqaaqay. Maxamed waxa uu arkaayay in si kasta oo uu yeelo aanu hawaysan Karin gabadh Ladan oo reerkoodu nagi yahay, sidaas darteedna sheekoba uma furin. Maalin dambe ayaa ay kulmeen iyaga oo kali ah. Waa ay u calaacashay. Waxa ay kula hadashay hadal (Geeraaro) qiiro badan oo sababay in ay daawatadii ilmo iyo baroor isku dareen. Qaar ka mid ahna sida uu abwaanku ii sheegay usbitaallada loola kala cararay. Waxa ay tidhi

Duunyadan aad ka hadlaysee

Dooddii aad ku dhawaaqdoba

Kaaga soo darsamaysa

Haba sii daba joogine

Waxa aanad u daalin

Imisaa duunyo lahaydoo

Daaro goor walba jeexdayoo

Dahabkoo aan sarifnayn

Ku disaysay sanduuqoo

Sanadkii ka dambeeyeyna

Dam siiyoo ka dhaqaaqoo

Dawarsadoo suuqa maraaya?

Imisaase daleeshiyo

Dambaska jiiftay gidaarkoo

Maanta dawlad ciyaartiyo

Duljoogaa wakhtigooguyoo

Saxeexay dirayaaniyo

Jeegoogii durayaayoo

Dib loo soo celinayn

Duunyo neef ha lahaane

Anigaa kugu doortay!

Dawlad yaad u shaqayne

Anigaa kugu doortay

Haddii aad debeddaa iyo

Daleeshaa igu aroosto

Anigaa kugu doortay

Dadkaba ugu xumawoo

Anigaa kugu doortay!

Saleebaan hay doqonayne

Ha igu dayrin jacaylkee

Ha igu dhaafin daleedee

Diintaadaan kugu dhaarshee

Walaal ii dabac maantuun!

Isna wuxuu ugu jawaabay;

Bal duuboo gacan taadu

Daloolkaa dhagahaaga

Ku dayoo ma martaa?

Kolkaasay xishood la muusootay, oo iska aamustay! Markaasuu sii watayoo yidhi;

Dooddan aad ku hadlaysiyo

Aniga maanta dantaydu

Waa gacantaa ninka duubay

Ee ku dayaaya dhagtiisoo

Iga daadagi mayso

"Kolkaasay sidii wax suuxay ay dhacday! Halkaa markay marayso ayaa dadkii oo dhami kacay, oo laysla oogsaday ’waar iimaanka Alle kaa qaad’… run baa loo haystaa! Markaasay laba hablood oo kalena tiyaatarka dhexdiisii suuxeen.. Wiiwaa! ambalaaskaa is dhaafay!” (Dheeg)

Halkaas ayuu ka bilaabmayaa Miyuusiggu




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip