SILSILADDII XAYDHA (HORMADII 3AAD)

0
Monday October 17, 2016 - 01:56:52 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SILSILADDII XAYDHA (HORMADII 3AAD)

    Mugga sow silsiladdii halkaa haka socoto maaha, sow nin waliba tarkii haka gar-naqo maaha, oo weliba gabay hasoo adeegsado maaha. Sidaynu soo aragnay ninkii ugu horreeyey ee arrinka xaydha ka garnaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mugga sow silsiladdii halkaa haka socoto maaha, sow nin waliba tarkii haka gar-naqo maaha, oo weliba gabay hasoo adeegsado maaha. Sidaynu soo aragnay ninkii ugu horreeyey ee arrinka xaydha ka garnaqay

 wuxuu ahaa Maxamed Nuur oo "Huube” loo yiqiin, sidoo kale Diiriye Aw Guuleed Warsame waatuu cagidiiba hadal ka keenay hannaankii gar-qaadiseed ee Huube.




Hagaag… Halkan ayaa waxa meertada kasoo gelaya Aar Xandulle Nuur oo uu Huube adeer rumaad u ahaa. Aar Xandulle markii uu xaajadii maankiisa la kaashaday waxa u muuqatay, gari Allay taqaannaaye, in adeerkii Huube hawshii garqaadista ee uu galay aanu kasoo dhalaalin, balse uu ku barbarriiqday. Isagoo aad mooddo garsoore madaxiisu ku cirreystay miiska dacwadaha, ayuu Aar Xandulle Nuur inoo balballaadhinayaa waddadii ay isaga la ahayd in gartaa loo maro.

Wuxuu ku doodayaa inay qummanayd in gartaa guddi madax bannaan loo saaro, oo welibana wixii adduun ah ee xaajadaa ka midhodhalinteeda ku baxaya meel la saaro, si looga badbaado laaluushka doc-ka-tuurka ah ee waqtigan la joogaba halakeeyey hannaankeenna garsoorka. Si lillaahiya markii arrinkaa loo lafo-guro, labada dhinac na laysu soo fadhiisiyo, in mudduciga markhaatiyo la weydiiyo, haddii uu soo waayana madaacaleyga millad laga doono.

Marka aan kugu jalbeebiyo meerisyada xaaja-yaqaannimadu ku gobo’ tidhi ee uu Aar Xandulle arrintaa kaga gar-naqay, ayaa waxa markiiba maankaaga kusoo degdegaya mid ka mid ah afartankii xadiis ee wadaaddada Shaaficiyadu xerta u laqbayn jireen kolka ay cilmiga xadiiska u bud-dhigayaan. Dhaqan yaqaanka qaarkii ayaa yidhaahda gabayaaga Soomaaliyeed wuxuu u badan yahay isagoo masalooyinka shareecada bowsi uun ku maqlay, inuu haddana tixihiisa maanso si farshaxannimo leh ugu dhex sooho.

Kolka uu hilinka u jeexo halkii ay ahayd in gartaa la mariyo, ayuu usoo daadegayaa inuu wax ka yidhaahdo arrinkan lagu kala saftay ee dhinac na dooddiisu tahay "haddii dhuunigu silloonaa maxaa loo dharqanayey”, dhinaca kalena ku adkaysanayo in tafantoofkii toobiyaha dheeri uu ku moohaariyey wax kastaba ha ahaadee wixii la helayey in la calafsado.

Sida uu xogta ku helay Aar, raggii socotada ahaa waxaa bacadle awr uga milaallaa soor jaad walba leh oo ay ka mid ahayd timir, caleenshaah iyo weliba iidaan kale. Haddaba masalada maankiisa gadday ayaa waxay tahay, haddii subaggii sahayda loo sitay la qoonsaday, sowtan awrta xidhiidhsani la dhigijac leh soor jaad kastaba isugu jirta, maxaa ragga looga urquumi waayey?!! Wuxuu yidhi Aar Xandulle Nuur:

Milgaha gabay Cismaanow beryahan, waanigaan marinne
Ka mastuurtay waa hore haddaan, miigganaan jiraye
Rag wixii is maagaba garbaa, lagu muquunshaaye
Waxaan anigu maankay ka helay, marinna aan mooday
Kol haddaan mudducigii gartaa, marag usoo joojin
Ama aan madaacaley wallii, lagula soo meerin
Aan labada meelood dacwiga, laysu soo muujin
Oo aan guddidu meel u bixin, kharashna meelaynin
Waa ila maroor Caamirow, moosku kugu ciirye
Afartaa wax lama miiciyee, maadh maka caddeeyey
Midhna waxaan ka idhi xaajadii, la isku maan dhaafay
Meeshaa ma joogine waxaa, igu maqaaloobay
Margi weyne awr bay hanfaha, uga milaallayde
Masruuf waa siteen jaad kastaba, mudanka sooreed e
Timir malab leh shaah mulukiyaa, miingi ka ahaaye
Macalluul ka yaab iyo xarrago, waaba kala maane
Muslinnimo haddii loo gar-naqo, marinka dawleeya
Uu marag u furo xoolahaa, layna maqashiiyey
Miyaan xaydh madow maalinkaa, lagaga maarmaynin?!!

Markii ay halkaa marayso, oo ay gaadhay in wiil iyo adeerkii laba saf kala raacaan, ayaa waxa meertadii kusoo biiray nin la odhan jiray Jaamac Xirsi. Jaamac marka hore waa ladqabo. Waxa uu tolweynaha guud iyo ardaaga arrintani ku rafatayba usoo jeedinayaa inay arrinka xaydha soo af-meeraan maadaama uu soo jiitamay. Waxa uu dareensiinayaa in jarmaade, guure iyo galab-carrawtiinba geedkii shaxda iyo golihii shirka ay kusoo dhacayaan gabayada xaydhu. Sidaa awgeed, kub geeljire kor looma dhaqo e, waxa uu Jaamac ku talinayaa inay arrinkooda hoos hoos u dhammaystaan, si aan duddooyinka kale ugu maadsan.

Odayeyntaa kaddib ayuu Jaamac Xirsi weedhiisa ka ridanayaa wixii la isku maan dhaafay. Waxa uu hadal ku gooyey mar haddii aad baradaada ka dheeraato inay baahiyi kula ollog tahay, sidaa awgeedna nimankii soortii xilka lahayd faraha geliyey loogu garaabayo, maxaa yeelay duruufta ayaa ku moohaarisay. Halkaa ayuu Jaamac Xirsi ku raacay safkii Weerar Cali iyo weliba Huube, isagoo Xirsi-Caamir na ku maagay inuu seediyaashii saaruq usoo miiray.

Ugu danbaynta ayuu Jaamac si toos ah u abbaarayaa Diiriye Aw Guuleed oo uu ku tilmaamay nin uu ficil qaaday, haddii aanu is-yeel yeelayna ay isagaba u muuqato in gartii laga helay.

Waxa uu yidhi Jaamac Xirsi:

Nimanyow gondaha reer Xirsi, iyo guudka Habar yoonis
Haddii gabaygii xaydhee fogaa, haatan go’i waayey
Oo weliba lama gaabinnine, gees walba u duulay
Galka Beeratiyo Ceelxumiyo, gobabka Oodweyne
Gaashaamo iyo Yucub-yabooh, gooddiyada Ceelka
Iyo Goodirraale iyo Xalxalis, geedo laga waabtay
Guryuhu badane haywaadharkiibaa, galabta keenteene
Waarbal gaabsada yaanu noqon, gocondho weeyaane
Rag se geddoomey meel socotadii, gaadhu ka idlaatay
Mar haddii guryaha laga durkood, gacal ka dheeraato
Gooddigana joogoo hunguri, guuri kari waaye
Gasiinkii xalaal kuu ah baad, gacanta saartaaye
Gulcub se waxa ah kaad garan la’dee, goobta kaa dila e
Gaagaadde soortii xumayd, gaajo waa cudure
U garawnay inuu Weerar cuno, gabayna waw daw e
Nimankii gabdhaha qabay haddii, guushkan la hor keenay
Kuma gubannine dee Caamir baa, gaday wax shaydaane
Ninkaad adigu waa galaxsantiyo, gedo ku sheegaysid
Intuu ficilku kula gees ordaad, gaadhay Huubana e
Garta maraga adigaa ku furay, goor horeetaba e
Dhaaxaad gashaad xaajo weyn, goysey keligaaye
Guddiga looyarkeedaad tahee, hays gabbaanadine
Godkaa Maxamed naqay Diiriyow, gawdhis laga waaye

Filo hormada 4aad dhowaan…

W.Q. Shaafici Qaasim Nuur
Email: Shaaficiqaasim@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip