WAXQABADKII TALIYAHA CIIDAMADA BOLIISKA SOMALILAND SAREEYE GUUTO C/LAAHI FADAL IIMAN.

0
Sunday October 23, 2016 - 16:00:13 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXQABADKII TALIYAHA CIIDAMADA BOLIISKA SOMALILAND SAREEYE GUUTO C/LAAHI FADAL IIMAN.

    Sanadihii u dambeeyey waxa si cad u muuqday Isbadal balaadhan ee ku yimid Ciidanka Booliska soomaliland iyada oo ay Xukuumada madaxweyne Axmed maxamed maxamuud siilayo tayadoodaa ay si aad ah kor ugu qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadihii u dambeeyey waxa si cad u muuqday Isbadal balaadhan ee ku yimid Ciidanka Booliska soomaliland iyada oo ay Xukuumada madaxweyne Axmed maxamed maxamuud siilayo tayadoodaa ay si aad ah kor ugu qaaday.

Isbadalka ayaa si xawli ah ku bilowday kadib markii Madaxweynaha soomaliland uu taliyaha Ciidanka Booliska soomaliland u magacaabay sareeye guuto: C/laahi fadal Iiman. ayaa waxa uu dajiyay qorshe uu ku hagaajinayo kuna horemarinayo booliska soomliland.isaga oo la tashi la sameeyay madaxweynaha soomaliland axmed maxamed siilayo iyo wasaarad arimaha gudaha waxa ay isla garteen in ciidanka booliska soomalilan la tirakoobo ka dibna la dardar geliyey Tayaynta iyo tababaridda Ciidanka Booliiska soomaliland,

Ciidanka waxa tababaro lugu siiyay in ay nabad-galyada iyo xasiloonida iyo xuquuqda muwaadinka ay ilaaliyaan.waxa kale oo lagu tababara in shacabka kalsoonidiisa Kasbadaan, waxaana sharciya in ay u adeegaan danah shacabka ilaaliyaan. Waxa marba marka ka dambaysa sii xoojinayay tayada ciidanka booliiska haday tahay xaga Aqoonta guud, xirfadaha gaarka ah iyo gaadiidkaba. Ciidanka boolisku waxa uu hantay amniga Guud ee dalka mana jiraan wax nabadgelyo daro ah oo maanta dalka ka jira. Waxyaabaha uu ciidanka taliye fadal ku soo kordiyay waxa ka mid ah, Qalabka ka hortaga rabshadaha oo sahlaya In laga hortago rabshadaha sida mudaharaadada iyo rabshadaha kale.Waxa isbadal wayni yimid xaga dhismeyaasha ciidanka booliska soomaliland , xarunta ciidanka birmadka Iyo xarumaha kale sida xarunta dambi-baadhista: CID-da iyo xaga saldhigyada ciidanka Booliska Soomaliland, oo gaadhay galbeedka ilaa min bariga iyo meelo badan oo aan la Soo koobi karayn. ugu dambaytiina sareeye guuto C/laahi Fadal Iiman ayaa ah talyihii ugu waxqabadka badna ee ciidamada booliska soomaliland soomara, xaga darajada ciidanka booliska may jirin waxa darajo ah oo ciidanku lahaa markii hore balse waxa lagu xasuusan doona talye fadal. ciidanka booliska soomaliland oo leh milgihii dawladnimo,waxa uu dhisay gudiyada degmooyinka gobolka maroodi-jeex si loo adkeeyo nabadgalyada. waxa isbadalay xidhiidhkii ka dhaxeeyay ciidanka booliska iyo dadweynaha. kadib markii ciidanka booliska la siiyay tababaro ku saabsan xidhiidhka dadweynaha sida ay muhiimka u tahay in wadashaqayni dhaxmarto ciidanka booliska soomaliland iyo dadwaynaha. si ay meesha uga baxdo in uu qof intuu dambi galo hadana baxsado ama dadwaynah ku dhex dhuunto. taliye fadal waxakale oo uu sameeye tirakoob luguna diwaan galinayo askari kasta si loo siiyo taysaro, kana midah ciidanka booliska soomaliland meelkasta oo uu joogo sida gobolada dalka oo dhan.

 

 

 

 



Ciidanka booliska soomaliland ayaa awood u yeeshay in fashiliyaan falaal kasta oo ka Dhici kara soomaliland ama dibada kaga iman kara in ay fashiliyaan.Ciidanka Booliiska soomaliand ayaa helay intii uu xilka baqtay sareeye guuto c/laahi fadal iiman , qalab ay ku gutaan Waajibaadkooda shaqo iyagoo wada shaqayntii loo baahnaana ka helay haayadaha ay wadashaqayntu ka dhaxays sida (UNDP).UNDP ayaa isku hawlay sidii ay ciidan booliska soomaliland u noqon lahayeen Qaar tayo leh.dhisida ciidanka boolisku waxa ay qayb wayn ka tahay hanaanka dawladnimo. dawladnimadu waxa ay ka bilaamanta dastuurka,dawladnimadu waa sharci iyo kala dambaynta , sharciga gacmahiisa iyo lugihiisu uu ku adeegana waa ciidamada booliska.waxana boolisku ilaaliya nafta iyo maalka, muwaadinka taasina waxa ay dhistaa oo kor u qaada kalsoonida muwaadinka ee dawladnimada. muwaadin la shaqeeya ciidankaga booliska soomaliland si ay u gutaan waajibadkooda ama shaqada iyo masuuliyada kasaraan inay dalka iyo dadka u huraan naftooda iyo qaarbadan u waayaan naftooda .

 

 

 

 

 

 

 

allaa mahadleh:

 

 

 

W/Q:Ahmed hussein Abdi (Xato)

axmedxato22@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip