WAX QABADKII XIRSI IYO JAHA WAREERKA KU DHACAY KULMIYE

0
Saturday October 29, 2016 - 01:25:38 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAX QABADKII XIRSI IYO JAHA WAREERKA KU DHACAY KULMIYE

    Waan idin wada salaameyaa dhamaantiin akhyaarta wax akhrida. Waxaan jeclaan lahaa inaan kaga hadlo qormadaydan Wasiir Wasaaradda Warfaafin & Wacayi Galinta JSL Cadaani oo ku Tilmaamey XIRSI inuu yahay waxbayahee .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan idin wada salaameyaa dhamaantiin akhyaarta wax akhrida. Waxaan jeclaan lahaa inaan kaga hadlo qormadaydan Wasiir Wasaaradda Warfaafin & Wacayi Galinta JSL Cadaani oo ku Tilmaamey XIRSI inuu yahay waxbayahee .  Runtii hadalkaa Wasiir Cadaani uu sheegey ayaan jawaab ka bixineyaa . Jawaabtaydu na waxa aan ku Cabiri doonaa Shaqada labada Nin ee ay u qabteen Xukuumadda Siilaanyo ee Maanta waqtigeyda uu dhamaadka yahay. Waxaan ku horeynayaa Mudane, 1. Xirsi X. Cali Xasan:- Sida aad wada ogsoon tihiin Xirsi wuxuu ahaa Wasiirkii hore Wasaaradda Madaxtooyadda JSL, wasaaraddaasi oo wasaaraddaha kale oo dhan la ah (Line-Ministry) , waxay na si toos iyo si dadban ba ula shaqeysaa Masuuliyiinta wasaaradaha kala duwan ee dalka waajibaadka shaqo ee Madaxweynuhu ugu igmaday iney uga Wakiil noqdaan Wasaaraddahaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. XIRSI X. CALI XASAN oo Wakiil Wasaaradda Madaxtooyadda ka ahaa uu isagu bilaabey markiiba dar dar galin sidii loo gaadhi lahaa looga na rumeyn lahaa balan qaadyadii Madaxwayne Siilaanyo xiligii uu Mucaaradka ahaa. Run ahaantii XIRSI isagoo adeegsaday Aqoon Karti iyo Xeelad uu isagu lahaa. Taas oo u sahashay in si sahlan loo gaadho Horumarkii uu ku balan qaaday Siilaanyo waloo ay jiraan wax badan oo ka dhiman horumarinka loo baahnaa, hada na horumarka ay maanta reer Kulmiye ku baanaan uu hormood ka ahaa Mudane XIRSI. Anigoo aan jecleyn inan hadalka sii badiyo jecleyn. Intii uu xilka hayay XIRSI waxa isku Xildhnaa Xukumadda Horumarka iyo Bulshada. Waxa maalin ba maalinta ka dambeysa hore loogu sii socday Horumar mudadii uu joogey XIRSI sida: 1- Dhismayasha Wasaaradaha Dawlada 2- Bixinta darajooyinka kala duwan ee Ciidanka JSL. 3- Dhisnaha Wadooyinka Dalka oo ay ugu weyn tahay Wadada Ceerigaabo. 4- Balaadhinta Mashruuca Biyaha Hargeysa. 5- Dhisida iyo Qurxinta Haruunta Madaxtooyadda iyo Baratakoolkayda. 6- Qalabeybta Wasaaraddaha Dhismahoogu dhamaaday, sida Radio Hargeysa iyo Televisionka Qaranka JSL. 7- Hirgalinta Lacagaha laga Badaley Burco. 8- Hirgalinta in maalgashi loo helo Dalka. 9- Hirgalinta Shidaal baadhis Dalka. 10. Hirgalinta Agabka Diiwaan Galinta iyo qabsoomidayda. Waxaa sidoo kale xusid mudan in xiligaasi ay jirtey isku xidhnaan isku duubni wada shaqeyneed oo baaxad le lagana dareemi jirey Dalka fullinta hawlihii loo igmaday Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Siilaanyo iyagoo si fiicana jaanta isula helaayay (Team Work). Hada se aaney ka muuqan ba taasi haba yaraatee. Wasiir Cadaani isagu kuma suntanayn socodsiiinta hawlaha xukuumadda Siilaanyo marka laga reebo inuu XIRSI u kaxeysan jirey Socdaalada qaar mooyee oo aan wax raad ah oo kale ku lahayn hawlahaasi, ayaa wax ka sheegay XIRSI oo ahaa shaqsigii loogu hadal haynta badnaa Xukuumadda Siilaanyo mararka qaarna laguba murmi jiray inuu ahaa XIRSI ninka Dalka ka taliya taana waynu wada ogeyn. Waxaan garan waayay anigu waxa ku Kalifay Wasiir Cadaani inuu yidhaahdo Waxba muu ahayn XIRSI ? Cadaani waxa uu noqday ruux aan garan karin waxa uga soo noqonaaya hadalka uu odhaneyo, hadaba ma qofka caykaas ahi ayaynu dhageysanaa waa MAYA Jawaabtu. Cadaanow ha Xaasidin Cida wax qabatay hadii ay kula durukto bahashu barrina waxaad beenin doontaa Kulmiyaha aan ka midka tahaye. Waxaa Jaha wareer cudur iyo anfariir ku noqday Xisbiga Kulmiye ka Tagista XIRSI uu ka tagay xisbiga kulmiye iyo ku biiridii uu ku biirey XIRSI Xisbi Mucaaridka Isbedel doonka ah ee WADDANI Iyo RAGGII kale ee la socday ba ee Ahaayeen Ragg Miisaan weyn ku lahaa Xukuumadda Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye. Waxaan leeyahay anigu reer Kulmiye Iimaansaday Raggaasi wey idinka tageen weyna idin diideene, waxay idiinkaga tageyn na waa (Lack of Dimocracy) waxay na ku biireen Xisbiga Waddani kana heleen wixii ay ka doonayeen oo ah wixii ay ka waayeen Xisbiga Kulmiye. Hadii aanu nahay Bahweynta Xisbiga Waddani waanu ku faraxsan nahay kuna soo dhaweenay Xisbiga Waddani iyagoo ku faraxsan ka mid noqoshada Xisbiga Badbaadada JSL ee Waddani. 





W/Q: Allamagan Ibraahim Ciise. 

Allaa Mahad Iska Le.


















































Marnaba Shabakada Halgannews Kama Masuul Aha Fikirka Qofka Qoraha Ah ,Isaga Ayaana Masuul Ka Noqonaaya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip