Xal La,aanta Abaarta Xilimaan Ka Baxaynaa?

0
Tuesday May 03, 2016 - 02:11:23 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xal La,aanta Abaarta Xilimaan Ka Baxaynaa?

    Bulsho waynta reer Somaliland miyi iyo magaalaba waxa ay sanadba sanadka uu ka dambeeyo la daalaa dhacayaan oo ku soo noq noqta abaaro ba,an oo dhulka dhigta dad iyo duunyaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulsho waynta reer Somaliland miyi iyo magaalaba waxa ay sanadba sanadka uu ka dambeeyo la daalaa dhacayaan oo ku soo noq noqta abaaro ba,an oo dhulka dhigta dad iyo duunyaba , abaarahaas oo sanad kasta caydheeya boqolaal qoys oo xoolo dhaqato ah halka in kale oo badana ay dirqi ugu bad baadaan xoolaha ay dhaqanayaan. Abaarahan ayaa u qaybsama laba qaybood Mid ay keenaan bini-aadamku (human induced disaster). Iyo Kuwo dabiici ama rabaani ah (natural disaster). Hadii aan ku horayno mida aynu gacamaheena ku keensano waxa hubaal ah inay tahay mida ugu mushkilada badan oo xalkeeduna noqdo mid aynaan maarayn kari , sababta oo ah wax aynaan ka fikirahayn sidii aynu u xalin lahayn. Jarrida ama xaalufinta kaymaha/dhirta (Deforestation) si loo helo dhuxul ama dhul la beerto, ayaa ah mid caawaaqib xummo ku haysa deegaanka taas oo sababta in uu xumaado,isla markaana keenta deegaankii oo baaba’ gebi ahaantiisba(Environmental Degrdation),iyo weliba nabadguur ku dhaca ciidii-(Soil Erosion) Biyaha oo aan si wanaagsan loo isticmaalin,waxay sababtaa tayadii biyaha oo xumaata ama in la Waayaba (water management and conservation). Dhibaatada abaareed ee guud ahaan soomaalida iyo reer Somaliland ba ku habsada ayaa ah kuwo ka soo bilaamay biyo yaraanta ku dhacda dhul ama roobkii la filaayey oo la waayey,taasoo dhaxalsiisay beeraleeyda iyo xoolo dhaqatadii dalku inay ka rajo dhigaan biyihii ay wax ku beeran lahaayeen ama biyihii iyo baadkii ay xooluhu calfan laayeen., Sida oo kale aafada dabeeciga ah ee ku timaada qadarka Alle,ee waxa laga qaban karo waa wax iska yar,balse waa in laga digtoonaada,lana ogaadaa in ay dhici karto,taas oo badanaa lagu sifeeyo cimilada deegaanka ama tirada roobabka uu gobalku helo. Arinta kale ee macquulka ahi waa in la waayo roobabkii imaan jirey xillgoodii amase laba waayaba gebi ahantood,taasina waxay dhalin kartaa abaaro, hadaba waxa ay is waydiintu tahay maxaa lagu xalin karaa aafada abaaraha inala darsa. Biyo la’aantu waa waxyaabaha saldhiga u ah in ay abaari timaado,si biyaha loo ilaaliyo ama looga faa’ideeysto si habboon waa in aynu helnaa caqliyo saliim ah ama wanaagsan oo biyaha roobka u sameeya meelo lagu kaydsado si loo isticmaalo xiliyada roob yaridu jirto amaba roob la,aanta Deegaankaaga oo hela biyo xidheeno yaryar oo xiliga guga aad ku kaydsato biyaha roobka ee ku dhaafi lahaa waxa ay bad baado u tahay dadka iyo mayeedhaanka ku dhaqan degmada oo abaarta ka bad baadi kara. Waxana haboon in aynu samayno dhul daaqsimeed iyo waliba in aynu kaydsano cawska iyo waxyaalo kale oo aynu xoolaheena ku bad baadino xiliyada abaaruhu dhacaan inaga oo aan ka guurin ama ka hayaamin deegaanadeena. Si aynu uga bad baadno dhaqaalo xumi iyo dhibta abaaraha ina bariinsaday ee saamaynta ku yeeshay miyiga iyo magaaladaba waa in loo guntado sidii looga faa,iidaysan lahaa xili roobaadka iyo biyaha badan ee inaga gala badaha, isla markaana loo heli lahaa shacab iyo xukuumad ka midaysan sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga aafada abaaraha. Waxaan ku soo gabo gabaynayaa maqaalkan tixi kooban oo aan kaga hadlaayo isla mawduuca aan ka hadlaayay waana tan. Dhir engegen dhulkaa boodhku kacay Dhibic la,aan roobka Dhalan dhoolka maatida gashee Dhididku hooraayo dhimashada Mayeedhaanka iyo dhamacda jiilaalka Dhibta iyo abaaraha dhiciyo Dhaqato waydawday Dhalcadiyo cadceedaha dhaciyo Boodhka nagu duulay Dhibaatada kulaylkiyo alloow Dhamaca jiilaalka dhirbaaxada na gaadhiyo Raboow Dhixirka waydoobay Dhalaan iyo barbaartiyo dhudi haraadkooda Allahayoow adaa dhayi karee Dhoolku u hilaaco dal dhameeye Dhibic soo da,diyo dhagar midaan gaysan Dhul cagaarshe roob aan dhir ridin Oon dhambalin ciida Dhibco khayr leh daad iyo xareed dhaqa abaartoo dhan Allahayoow Dhambaalkuu diree maanta nagu hooro Allahayoow Dhamaata Dhibtani iyo dhamacda jiilaalku.


 Amiin amiin insha allah.
 Wariye Sagal Abdurahmaan Ahmed(filibiin) 
Sagalphilibiin@gmail.com 
Hargeysa Somaliland 
0634126298: 0634174095


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip