Maydadka Dalxiiseyaal Ajaanib Ah Oo Laga Helay Degaano Hoos Yimaada Magaalada Marka Ee Shabeelaha Hoose.

0
Wednesday January 04, 2017 - 10:51:55 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maydadka Dalxiiseyaal Ajaanib Ah Oo Laga Helay Degaano Hoos Yimaada Magaalada Marka Ee Shabeelaha Hoose.

    Marka(Halgan)degaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha Hoose oo u dhow magaalada Marka ayaa la sheegay in laga helay maydka lamaane ajaanib ah oo ay baddu soo tuftay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka(Halgan)degaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha Hoose oo u dhow magaalada Marka ayaa la sheegay in laga helay maydka lamaane ajaanib ah oo ay baddu soo tuftay.

Maydadkan lamaanaha ah oo cadaan ah ayaa baddu soo tuftay, iyada oo lagu arkay jidhkooda nabaro loo malaynaayo in ay yihiin kuwo ay soo gaadhsiiyeen bahalo badda ka helay.

Waxaana degaankaasi maamula xarakada Al Shabaab oo iyadu halkaasi ku sugan, waxaanay dadka degaanku sheegeen inay aad uga naxeen markii ay arkeen lamaanahaasi ay baddu soo tuftay.

Lamaanahan ayaa loo malaynayaa inay ahaayeen dad dalxiiseyaal ahaa , iyada oo aanay ilaa hadda cadayn dalalka ay kazoo jeedaan iyo siday u dhinteen midna.

Saraakiisha ugu saraysa Al Shabaab ee degaankaasi joogta ayaa iyaguna ka hadlay dhacdadan , iyaga oo sheegay inay aaseen maydadka lamaanahan , waxaanay intaasi ku dareen inay gabadha ka heleen dahab badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip