Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka Ka Qayb Gelaaya Xuska Aas Aaskii Ciidamada Qaranka Somaliland.

0
Thursday February 02, 2017 - 11:51:51 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka Ka Qayb Gelaaya Xuska Aas Aaskii Ciidamada Qaranka Somaliland.

    Hargeysa(Halgan)Madaxweynaha Somaliland ayaa saaka ciidamada Qaranka kala qayb gelaaya dabaal dega xuska maalintii la aas aasay ciidamada oo ku beegan maanta oo bishu tahay 2.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Madaxweynaha Somaliland ayaa saaka ciidamada Qaranka kala qayb gelaaya dabaal dega xuska maalintii la aas aasay ciidamada oo ku beegan maanta oo bishu tahay 2.

Madaxweynaha iyo xubno kamid ah golihiisa wasiiradda iyo qaybaha xukumada ayaa saaka ku jarmaaday goob loo asteeyey inay ciidamadu ku dabaal degaan, iyada oo ay halkaasi heegan ku ahaayeen ciidamada Qaranka qaybohooda kala duwan.

Waxaana la filayaa inuu halkaasi khudbad uga jeediyo ciidamada Qaranka Somaliland, isaga oo ku hambalyeynaaya munaasibada sannad guuraddooda markii la aas aasay.

Munaasibadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo dalka abaaro iyo Sixir barar baahsani ka jiro, taas oo ay ciidamada Qarankuna kamid yihiin qaybaha bulshada ee uu sida daran u taabtay sixir bararka dalka ka jiraa, madaama oo aanay qaaday lacag ku filan, inta ay qaataana tahay mid aan wax hagaagsan u jarin.

Waxa kale oo ay kusoo beegmaysaa xili uu madaxweyne Siilaanyo dhowaan joojiyey ama hakiyey bixinta lacagaha ciidamada Cusub iyo shaqaalaha dawlada ee sannadkan 2017 ka la qoray, kuwaas oo dareen aan farxadi ka muuqan kusoo dhoweeyey hakadkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip