Xukumada Somaliland Oo La Filaayo Inay Ka Hadasho Doorashada Somaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo.

0
Thursday February 09, 2017 - 10:48:25 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Somaliland Oo La Filaayo Inay Ka Hadasho Doorashada Somaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo.

    Hargeysa(Halgan)xukumada Somaliland ayaa la filayaa inay ka hadasho doorashadii ka dhacday wadanka Somaliya maalintii Arbacadii shalay, iyada oo magaalada Muqdisho lagu doortay madaxweyne cusub oo dalka Somaliya hogaamin doona 4 sanno ee soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)xukumada Somaliland ayaa la filayaa inay ka hadasho doorashadii ka dhacday wadanka Somaliya maalintii Arbacadii shalay, iyada oo magaalada Muqdisho lagu doortay madaxweyne cusub oo dalka Somaliya hogaamin doona 4 sanno ee soo socda.

Madaxweynahan ayaa noqonaaya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hore u ahaa ra’isal wasaarihii hore ee dalkaasi waqtigii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaanu ku helay xilkaasi codad aqlabiyad ah oo dhamaa 184 cod , halka murashaxii la tartamaayey oo ahaa madaxweynihii isaga ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud uu helay 97 cod, waxa isna kaalinta saddexaad soo galay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo helay codad dhan 46 cod, waxaanu sidaasi Farmaajo ku noqday madaxweynaha cusub ee Somaliya.

Xukumada Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal doorashadaasi, iyada oo la filaayo inay ka hadasho , inkasta oo wasiiraddii agaasimi lahaa iyo kuwii ka hadli lahaaba ka maqan yihiin wadanka .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip