Wadahaladii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Jabouti Kusoo Dhamaaday , Maxase Kasoo Baxay ?.

0
Friday February 10, 2017 - 11:30:07 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahaladii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Jabouti Kusoo Dhamaaday , Maxase Kasoo Baxay ?.

    Jabouti(Halgan) Wadahadadii dalka Jabouti uga socday Somaliland iyo kooxda Khaatumo ayaa lasoo gebo gebeeyey , iyada oo laga soo saaray qoddobo aan ilaa hadda warbaahinta loo soo bandhigin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabouti(Halgan) Wadahadadii dalka Jabouti uga socday Somaliland iyo kooxda Khaatumo ayaa lasoo gebo gebeeyey , iyada oo laga soo saaray qoddobo aan ilaa hadda warbaahinta loo soo bandhigin.

Waxaana arrintaasi ka hadlay guddoomiyaha xisabiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo sheegay inay dhowaan warbaahinta usoo bandhigi doonaan qoddobada ay isla qaateen labada dhinac.

Waxa uu guddoomiye Faysal sheegay inay qoddobadii hore ee magaalada Addis Ababa lagu gaadhay dib u eegis ku samayn doonaan, sidoo kalena wax ka bedel lagu samayn doono, iyada oo la eegaayo waxyaalaha ka hirgalay qoddobadaasi iyo waxyaalaha aan ka hirgelin weli.

Waxa uu hambalyo u diray cuqaasha gobolka Buuhoodle oo uu ku hambalyeeyey sidii ay uga dhiidhiyeen falalkii maleeshiyaadka Puntland ee ku sugan magalaada Buuhoodle uga hor istaageen Cali Khaliif inuu ka dhoofo madaarka magaalada Buuhoodle.

Waxaanu shacabka labada dhinac usoo jeediyey in nabada la ilaashado, madaama buu yidhi ay lee dahay cadow badan oo faro gelin ku haya nabadgelyadaasi laga dhisaayo gobolkaasi Buuhoodle.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in ay mar kale isugu soo noqon doonaan kulan dambe oo ay kaga wada hadlayaan arrimo badan, sidoo kalena ay kusii amba qaadayaan wadahadaladooda .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip