Waabeeyo Dabadii Daadmadheedh Walxaa Dhiman! Sayid Maxamed Cumar "Darwiishka"

0
Wednesday March 08, 2017 - 11:55:56 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waabeeyo Dabadii Daadmadheedh Walxaa Dhiman! Sayid Maxamed Cumar "Darwiishka"

    Sida la og yahay adduunyada qarni walba, sannad walba, bil walba, toddobaad walba, maalin walba iyo saacad walba dad iyo duunyo ayaa ka dul guura oo qaar kale ayaa u soo dul guura oo soo dega.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida la og yahay adduunyada qarni walba, sannad walba, bil walba, toddobaad walba, maalin walba iyo saacad walba dad iyo duunyo ayaa ka dul guura oo qaar kale ayaa u soo dul guura oo soo dega.

Guurguurkaas iyo is-gedgeddigaa ayay waligeedba adduunyadu ku soo jirtay kuna sii jiri doontaa illaa iyo maalinta qiyaamaha. Hase ahaatee is-geddiga wakhtiga iyo wacyiga la soo maray waxa ka dhasha taariikh iyo dhacdooyin kala duwan kalana door-roon, kuwaas oo lagu xasuusto maraaxilkii la soo maray iyo mid waliba wajigii uu lahaan jiray. Waxa taas na dhinac socota taariikh walba cidda ku sidkan ee saameynta ku leh.

Haddaba Gobolka Daadadheedh waxa uu soo maray xaallado kala duwan oo midiba ay mid ka daran tahay, oo illaa maantadanna ka jira guud ahaan gobolka oo dhan. Daadmadheedh wuu kacaa-kufayay oo kubka iyo bowdada ayuu kala jabay. Illaa maalintuu jabey iyo illaa maanta wali kama uu soo kaban dhaawacii soo gaadhay. Sababtu na wax kale ma aha ee waxa uu waayay cid kabta, baanata oo baxnaanisa! Run ahaantii Gobolka Daad-madheedh waxa uu waayay aabbe iyo hooyo garab gala. Oo haddii uu aabbo waayay miyuu waayay adeer u diir naxa oo ag istaaga? Jawaabta ugu habboon ayaa ah Gobolka Daadmadheedh waa agoon oo aabbe iyo adeer toona ma leh oo waa looma ooyaan.

Horta midi waa hubaal oo waliba waa mid aan sinaba loo hilmaami kareyn. Waa mid xasuus iyo xurmo gaar ah leh. Waa mid milge iyo maamuuskeeda leh. Taasina waa ta ah: in ay jiraan dad dhif iyo naadir ah oo intii karaankooda ahayd u hawl galay sidii ay ugu gurman lahaayeen gobolkooda ay ku dhasheen kuna barbaareen [waa Daadmadheedhe]. Dadkaas tirada yar ee diiwaanka sooyaalka ku suntani waxa ugu horreeya Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed "Waabeeyo” oo ah xildhibaanka kaliya ee ay maanta xasuustaan bulshada ku nool Gobolka Daadmadheedh. Iyada oo dadka deegaanka gobolkan lagu xanto inuu leeyahay bulsho haldoor u badan, haddana tiro badnidooda waxa garab socota tayo la’aan baahsan. Taasna waxa kuu caddeyn karta siyaasiyiintii, wax-garadkii, ganacsatadii, culimadii, tujaartii, aqoonyahannadii, qurba joogtii iyo qaran joogtii ba waa ay ka gaabiyeen dardar-gelintii iyo geeddi-socodkii lagu horumarin lahaa gobolkooda.


Wali lama arag afar oday, wax-garad ama siyaasi oo intay meel isugu yimid ka hadlay sidii ay ugu hawl gali lahaayeen horimar ka dhasha gobolkooda oo ma ku heshiinayaanba ayaa ka horreysa? Lacalla haddii ay isku yimaadaanna waxa ay ka hadlaan waa wax mar afka la galiyo ama gows lagu goosto haddiin kale se waa "rag caddaalad waayaa sida cawsha kala yaac. Waxa kale oo aan golsha lahayn in uu Xildhibaan Waabeeyo oo run ahaantii ahaa mid geed dheer iyo geed gaaban u fuulay gurmadka gobolkiisa iyadoo haddana aad loo dhaliili jiray lana xajiimeyn jiray, taasina wax kale ma ahayn oo wax ba muu bi’ine waxay ahayd inuu ahaa xildhibaan ka tirsan xisbiga dawladda ee Kulmiye. Malaha Reer Daadmadheedh waxa ay had iyo jeer dhaliilaan qofka ku tilmaaman wax-qabadka iyo wacyi-gelinta, hase ahaate Xildhibaan Waabeeyo waxa uu ahaa xildhibaan ku caan baxay hawl-karnimo, hal-karnimo iyo hal-abuurnimo dheeraada oo uu wax badan ugu qabtay uguna qaban doono gobolkiisa. Waxaana uu ahaa isha kaliya ee la socota hawlaha guud ahaan gobolka ka jira.

Dabcaan waa hubaal far kaliyi fool ma dhaqdo oo Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf "Waabeeyo” isagoo kali ah ayuu afarta jiho ee Gobolka Daadmadheedh u kala dab-qaadayay imikana uu u kala dab-qaadayaa. Baahida gobolka oo aad u ballaadhan haddana wixii karaankiisa ah waa uu u hawl-galay. Marka uu mid daboolaba haddana mid kale ayuunbaa fufaysay. Sida la og yahayna waa xildhibaanka kaliya ee tan iyo illaa maalintii la doortay dib ugu soo noqday halkii laga doortay. Kaligii waxa uu qaban karo ayaa ba iska yar walow haddana uu dadaal iyo karti badan uu muujiyay, gufeyayna goobo badan oo bulshada ku nool Gobolka Daadmadheedh balbalaalay, taasina waa mid mudan in loogu mahadceliyo ka dibna lagaga daydo, waayo waa dariiq togan oo uu xildhibaanku jeexay laguna xasuusan doona.
Ta kale Xildhibaan Waabeeyo haddii uu shalay ahaa muxaafid maanta sidii hore ma aha oo waa mucaarid. Booskii uu dawladda kaga jirayna illaa dharaartan maanta ah ma haynno cid buuxisay oo ka ciyaarta baashii muhiimka ahayd ee uu gobolka uga ciyaari jirtay. Si waxaad u mooddaa in guud ahaan gobolkani aanu lahayn halyeey u dirira, oo waxaa bay u muuqataa in Xil. Waabeeyo oo kali ah ay dusha ka saaran tahay masuuliyadda iyo masiirka bulshada Gobolka Daadmadheedhi, balse taasi waa arrin xaqiiqda ka fog, waayo Xildhibaanku waxa uu gutay waajibaadkiisi qofnimo ee guudka ka saarnaa, kaas oo sidoo kale qof walba oo gobolka u dhashay laga doonayo inuu isna guto.
Haddaba maanta Gobolka Daadmadheedh waxa uu u baahan yahay bulsho yar iyo weyn u tafaxaydan gobolkooda oo ka saarta xaaladaha cakiran ee samankan saameeyay gobolkooda [dad iyo duunyaba]. Waxa loo baahan yahay siyaasiyiinta, ganacsatada, wax-garadka, aqoon-yahannada, qurba joogta iyo qolqol joogtuba in ay u kacaan kobcinta iyo kaalmada gobolkooda, waayo iyaga un baa ay ku xidhan tahay horumarka iyo dibudhaca deegaankoodu. Xaqiiqdu na waxay tahay gobolku maanta uma baahna fadhi-ku-dirir balse waxa uu u baahan yahay bulsho gacanta wax ka qabata oo ficil la timaadda. Xildhibaan Waabeeyana waxaan leeyahay gudatay waajibkaagii ee Allaha weyni ha kugu garab galo ee dadaalka halkaa ka sii wad, waxaanad noo jeextay waddo wacan oo lagugu xasuusan doono.







Sayid Maxamed Cumar (Darwiishka)

awdaahir2050@gmail.com


 


















 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip