MADAXWEYNE SIILANYO MA ARAGTEN??

0
Wednesday March 08, 2017 - 12:10:28 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SIILANYO MA ARAGTEN??

    Waa xilli xun shiddo iyo dhib badan waan seben la adhax jabay xoolihiina madheen,waa abaaro dad iyo duunyaba ragadiyay dhulkii waa xaaluf iyo engag.Gaajo harraad oon diif iyo darxuma reer miyigii haysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa xilli xun shiddo iyo dhib badan waan seben la adhax jabay xoolihiina madheen,waa abaaro dad iyo duunyaba ragadiyay dhulkii waa xaaluf iyo engag.Gaajo harraad oon diif iyo darxuma reer miyigii haysa.

Haddana wali Raxmada iyo nimcada Eebe lagama quusan.

Waxa qiso iyo cashar ugub ku ah taariikhad Dalkan iyo Dadkanba in Madaxwynihii loo doortay qarankan aad moodo inaaan xil ka saarayn taas oo shacbku ka niyad jabay,aragtidiisa daaye aan hadal laga hayan,waxaan ahayn warqad iyo degreeto seqda dhexe soo baxday guddiba loo saray Hamblyo kooban iyo tacsi degdeg ah.

Waxaynu ognahay oo markhaati ma doon ah inaan Dalkani soo marin maalin ka musuq masuq iyo hanti boob badan lamana shegin malin ka qobqob iyo qabyalad badan oo ay noqotay "Qaataye qaado” ama "Cararye cad ka reeb” iyo walipa shakhsiyaad gaara oo Talladii qaranku gacanta u gashay. Waxa is weydiin mudan odaygii qarankan dharta ugu jiiday xaguu ku dambeeyay mase og yahay waxan socoda??Moooyi

Shacabku waxay baadigobayaan haben iyo malin guuro iyo galap carrowba Cidii ay doorteen halkuu ku dambeeyay mise waa ka aarsi Dal iyo Dad. Waxaan maqlay wakhtigii Af-weyene inuu odhan jiray” Dhul mooyee Dad laygu iman mayo”. Maanta waxa inoo muuqata go’aankii labaad oo ah "Dad mooyee Dal laygu iman mayo.”

Diifta darxumada iyo abaaraha dad qalatada ah dadkii waxa u dheer Sillica iyo sixir barar isku sidkan hadana dadkii tabalysaa abaruhu halakeyen waxa mucjiso ku noqotay degretadii madaxwaynaha ee socon wayday Iyo halkay ku danbysay waxanay leyihiin Madaxwyne siilanyo ma aragteeeeeeeen mee???

Gunaantii iyo gabagabadii intaynu qormada labad

Dadku wuu dayoobaa


Daydayaa godkiisii
Dabadeed ku hooydaa
Daashoo ogaanee
Da’du waa halkeedee
Daba qabo wanaagii
Dalkan iyo Dadkiisaba
Dabkii iyo Kulaylkii
Diiftii la soo maray
Duurkaad u taagnayd.



Shakir kaariye
Hargeisa somaliland
Cabdikaariye@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip