Siyaasadda iyo Soomaalinimadda Qalinkii Mukhtar Xaaji Cabaydh

0
Wednesday March 08, 2017 - 12:36:18 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadda iyo Soomaalinimadda Qalinkii Mukhtar Xaaji Cabaydh

    FG: Qoraalladan googooska ah waxaa si wayn uga faa'iidi kara dadka qorshaynaya in ay Hindiya u baqoolaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FG: Qoraalladan googooska ah waxaa si wayn uga faa'iidi kara dadka qorshaynaya in ay Hindiya u baqoolaan.

Hadiiba ay awal hore Soomaalidu, Baadi-goob Dhaqaale, iyo Wax barasho ay u beegsan jireen, waddama Reer galbeedka iyo Khaliijka, hadda waxaa ku soo kordhay baahi cusub oo ay la soo beegsadaan bugcad kale oo dunnida ka mid ah. Waa xal u helida, xaaladaha caafimaad ee loo caal-waayay. Hindiya, Waddamadaa Muddooyinkii u dambeeyey Caafimaadka (Iyo Dabcan, wax barashoba) loo soo beegsanayay ayay safka hore kaga jirtaa.

Soomaalidu, sida ay Dunnida ugu hayaantay, ee ay gidaar walba u joogto, iyo sida ay haddana ugu kala war la’dahay,waa mid aad iiga yaabisay. Habeenkii aan imanayay, laba qof oo Soomaali ah baa ku nool isma aan lahayn, waxaase la yaab igu noqotay, in Magaaladii aan Tagay xaafad dhan oo ka mid ahi, ay Soomaalida u camiran tahay. Si ay taasi (kala qab war la’aantaasi) u yaraato, anna su’aasha ah, maxaad ku soo aragtay ay iiga yaraato, waxa aan goostay in aan inta aan ka gaadhi karo, dhawr qormo oo xidhiidh ah idinkula wadaago. Waa Kane, Iga Qabo!

Siddeeddii Subaxnimo ayaanu Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa ka soo jarmaadnay. Laba iyo Tobankii Duhurnimona waxa aanu ku hakannay Magaalada Dubay, ee Dalka isku tagga Imaaraadka Carabta. Heerkulku afartan buu kor ka maray. Maqalkeeda mooyee, waligay ma aan dareemin Heerkul Intaa le’ek. Nasiib wanaagse, waxaanu Heerkulkaas dareennay qaddar daqiiqad ah. Waa intii yarayd ee Diyaaradda iyo Baska Naga ag qaadaya aanu u kala soconaynay qiyaas ilaa Laba boqol oo mitir ah. Waxay u eekayd, sidii qof Moofo holcaysa, albaabkeeda hor joogsaday! Saddexdii Casarnimo iyo xoogaana, waxa aanu ku wareegnay Diyaaraddii kale ee Noo qaadi lahayd magaalada Hyderabad.

Siddeeddii fiidnimo oo wax dhiman waxa aanu cago dhiganay, magaaladda Hyderabad. Hyderabad waxa aanu kula kulanay, wax ka duwan wixii aanu Dubay kala kulannay. Huur ayaannu Dareennay. Haddiiba, ay Dubai ahayd, Moofo horteeda la joogsaday oo kale, Hyderabadna, waxaad moodday siddii aad Gashay madbakh wayn oo Dharyo waawayni ku dhadhaaran yihiin.

India inkasta oo ay macne ahaan hadda uun hor ii tahay imaatinkeeda, haddana maskax ahaan isma lihi wax badan baa kugu seeggan. Ka sokow, aqoonta guud ee aan awalba ka haystay (xagga Juqraafiyadda, Tiraradda dadka iyo Diimaha, Hanaankeeda dawliga ah IWM), daawashada filimada hindiga ah waxaan aaminsanaa in ay ii ahayd daaqad wayn oo aad India looga fiirsan karay.

Intii aan diyaaradda soo saarnaa – iyo ka horba – waxa aan suurayn kari la’aa, xaddiga saxmadda iyo buuqa ka siraaddan magaalo ay ku nool yihiin, inta Somalia ku nool in le’egi, uu le’ekaan karo. Si haddii loo dayose, gadaalkii, waxaa iisoo baxday in Magaaladii aan ku dhashay ay ka Sawaxan iyo Saxmad badan tahay!

Intii aan hawada ku jiray, waxa aan foojigadeeda mar walba is xusuusinayay in aan laqiman doono, casharaddii ay filimaanta hindiga ahi I bareen. Dal rabshad iyo qalalaasuhu ay caado u yihiin. Waxa uu khiyaalku ii sawirayay, in aan arki doono Amprish Puri-yo (Indho-caagle), Nasseerudin Shah-yo (Jalwo), iyo Danny Denzongpa-yaal (Danay) nool-nool, oo run-run wax u kala haadinaya. Waxase yaab igu noqotay, ka dib markii C/rashiid, oo halkan muddo sanado ah wax ka baranayay uu ii sheegay in aanu indhaha saarin, laba qof oo la kala hayo. Taasi waxa ay markhaati cad u tahay, sida fudud ee ay dunnida wax jishaa, si fudud fekerkeena u marin habaabin karto!

Si ka duwan sidii aan aqaanay, hindidu ma aha dad gacan-ka-hadalka ku baas. Guhaad iyo gooddin afka ah ayay ku doorsadeen. Labada is maagaa, inta gaadada isa saaraan ayay, hanjabaad iyo cago julayn ayay samada iskula baxaan. Qofka ku cusubi waxa uu sugaaba, waa ‘qush-ta’ feedhka! Waxayse af-kala qaad ku noqonaysaa – sidii anigaba igu dhacday – marka labadii inta sanka isa saareen, hanjabaadda iskugu dhamaynayay, uu mid kale oo ay garanayaan soo ag maray. Dabadeed inta labadoodiiba, waji furan salaan ula sara-joogsadeen, markii uu dhaafayna, sidii laba digaagadood, mar kale sanka isku qabtay oo halkii ka sii watay!

Dhaqankaasi, Mararka qaar Hiniga wuu lug-gooyaa. Waa markii uu hoosta ka galo dadka aan Hindida ahayn. Maalin, maalmaha ka mid ah, ayaa mid Hindi ah iyo mid Soomaali ahi is af-dhaafeen. Haddiiba, sanka ayaa sanka la isku saaray. Hindigii bah-bahdii iyo baalo-xooftadiisii ayuu wixii uu hayayba iga qabo yidhi. Soomaaligiina, inta malaha, faro fiiq-fiiqiisii ka yaabay, ayuu is yidhi ‘Bi’i waaye, ninku sawka kaaga horreeyey!’. Saa feedh buu sanka iyo afka isku kaawiyadeeyey. Ilayn, umaba barane, Hindigii inta samada ka qaylayay, ee dib u booday, ayuu marna sanka is qabtaa, oo baaboco dhiig ah is hor qabtaa; marna ninkii eegaa!

Dadka hindidu – Muslim iyo gaalba – waa dad qalbi fiican, oo edeb leh. Sida laga filan karo, waddani dalkiisii jooga, hindidu inta aan ka arkay, dadka martida u ah uma sahashadaan. Ka dhulka xaaqaya, iyo Masuulka u sareeya xaruntu, isku si ayay iyaga oo kuu riyaaqsan, oo dhoolo caddaynaya kuu waydiinayaan "Waddankeed U Dhalatay?”. Si ka duwan sida Soomaalilda, hindidu inta badan dhib iyo dheef toona kugu darsan maayaan (Kas iyo kama’ba, Soomaaligu ama si dhab ah buu kuu caawin, oo wax kuu tari, ama hagaagbuu jar kaaga tuuri). Tusaale ahaan, haddii adiga oo ambad ah aad hindi I tilmaan tidhaa, ha garto ama yaanu garan jawaabtiisu waa mid qudha. ‘Hore u hayso’! Jihaddii aad awalba u socotay ayuu farta kuugu fiiqayaa. Mararka qaar sida uu midba mid kuugu dhiibayo ayaad ku sigan gaadhaysaa in aad magaaladaba dhankaa kale uga baxdo! (oo ma uga bixi kartaaba horta).

Abdirasak Salah

Borama, Awdal.

Contact: 0634466677

Abdirasaksalah@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip