Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda oo Ingiriiska Kaga Qaybgalay Bandhig ku Wajahnaa Tayaynta Daabacaadda Casriga ah + Sawiro

0
Wednesday March 08, 2017 - 12:55:02 in Wararka by Halgan News
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda oo Ingiriiska Kaga Qaybgalay Bandhig ku Wajahnaa Tayaynta Daabacaadda Casriga ah + Sawiro

    Birmingham-UK(Halgan)- Maareeye ku-xigeenka Madbacada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, ayaa magaaladaBirmingham ee carriga Ingriiskaka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Birmingham-UK(Halgan)- Maareeye ku-xigeenka Madbacada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, ayaa magaaladaBirmingham ee carriga Ingriiskaka

ga qayb galay bandhig sannadeed ku saabsan kor u qaadista tayada daabacaadda, bandhigan oo ayiska kaashadeen midawga Yurub iyo dawladda Ingiirska ayaa ah mid sannadle, iyada oo inta badan ay ka faa’iidaystaan waddamada barwaaqo sooranka ee loo yaqaan Common wealth’s.

 

Maareeya Ku-xigeenka madbacadda qaranka oo magaca Somaliland kaga qayb galay bandhigan ayaa nooga waramay waxyaabaha Somaliland ahaan ay ka soo faa’iideen waxaanu yidhi; "Marka hore ilaahay ayaa mahad leh, marka labaad waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu fasaxiisa iyo fursadiisa kaga qayb galnay kulankan. sidoo kale waxa aan u mahad naqayaa Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna nagu dhiiri-galiyey hawshan, waxa kale oo aan u mahad celinayaa Maareeyaha Madbacadda qaranka Siciid Saalax Shire oo isaga la’aantii aanay wax badani noo qabsoomeen, intaa ka dib sida aad la socotaan waxa la soo gabo-gaboobay bandhigii kor u qaadista tayada daabacaadaha (Digital Printing) kaas oo bilaabmay 28 Feb socdayna ilaa 03 March 2017.”

"Somaliland ahaan ayaanu uga qayb galnay dadyow tiro badan iyo waddamo tiro badan ayaa ka soo qayb galay hasayeeshee dadka loogu talo-galay inay ka faa’iidaystaan waa waddamada barwaaqo sooranka ee loo yaqaan Common wealth, hawshani waxa nagu garab galay nin la yidhaa JohnCruf waxaana ay runtii noobalan qaadeen in ay nagu caawin doonaan qalab casri ah ooqiimo ahaan u dhigma hal milyan oo doolar,”ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan.

Maareeyuhu isaga oo hadalkiisasiiwatay wuxuu yidhi; "Arrintani waxa hore uga faa’iidaystay dalal haatan horumarsan oo ay ka mid yihiin wadankaMaleeshiya oo imika tayadiisadaabacaadu ay tahay 100%. halka markii hore ee aanay mashruucan ka faa’iidaysan lagu qiyaasi jiray inay tayadoodu ahay 6%, waad qiyaasikartaa farqiga u dhexeeya.”

"Waxay arrintani wax wayn ka tari doontaa habka cashuuraheenna oo sare u kici doona iyo guud ahaan heerka xafidnaanta dukumantiga cashuuraha (security features-ka) dawladdaSomaliland haddii Alle yidhaahdo ayay wax weyn ka tari doontaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey MareeyeKu-xigeen Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan.



Image may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: one or more people
Image may contain: 2 people, people standing


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip