Somaliland Oo Aan Ka Qayb Gelayn Shirka Magaalada London Ka Dhacaaya Bisha May Iyo Ingiriiska Oo Ka Hadlay Sababta.

0
Sunday March 26, 2017 - 09:55:07 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Aan Ka Qayb Gelayn Shirka Magaalada London Ka Dhacaaya Bisha May Iyo Ingiriiska Oo Ka Hadlay Sababta.

    Hargeysa(Halgan)Somaliland ayaa laga reebay ka qayb galka shirk a dhici doona magaalada London bisha May ee fooda inagu soo haysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Somaliland ayaa laga reebay ka qayb galka shirk a dhici doona magaalada London bisha May ee fooda inagu soo haysa.

Waxaana arrintaasi cadeeyey safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya dalkaasi Ethiopia Andrew Allen oo dhowaan magaalada Hargeysa socdaal ku yimid.

Shirkan ayaa ah mid ay isugu iman doonaan qaadhaan bixiyeyaal kala duwan, kuwaas oo lacago aad u tiro badan u ururin doona Somalida .

Somaliland ayaana shirkaasi ka maqnaan doonta, waxaana sababta lagu sheegay in ay tahay doorashooyinka dib u dhacay iyo muddo kordhinaha xad dhaafka ah ee la sameeyey muddooyinkii ugu dambeeyey.

Safiir ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlaayey ayaa yidhi "Fursadaasi way luntay, markaan si cad idiinla hadlo.”.

Hadalkan ayaa ahaa ka ugu hadal haynta badan Somaliland, iyada oo ay dadka falanqeeya siyaasaddu sheegayaan inay fariin cad u tahay xukumada Somaliland iyo shacabkaba.

Arrimahan iyo arrimo kale oo uu ka hadlay safiir ku xigeenku ayaa noqday kuwo xasaasiya, iyada oo ay taasi cabsi badan ku abuurtay xubno xukumada Somaliland ka tirsan ,madaama oo ay saamayn karto mustaqbalkooda .

waxaanay warar xog ogaal ahi u sheegeen shabakada Halgannews inay xubno wasiiro ahi diyaarinayaan sidii ay hadalkaasi uga jawaabi lahayd madaxtooyada Somaliland oo ah iyadu ta sababta u ah in Somaliland aan laga qayb gelin shirkaasi lagana joojiyo.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip