Lacago Mucaawimooyin Abaaraha Dawlada Ingiriisku Ugu Talo Gashay Ah Oo La Lunsaday Iyo Xukumada Britain Oo Ku Hanjebtay Inay Baadhayso.

0
Monday April 03, 2017 - 01:13:06 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacago Mucaawimooyin Abaaraha Dawlada Ingiriisku Ugu Talo Gashay Ah Oo La Lunsaday Iyo Xukumada Britain Oo Ku Hanjebtay Inay Baadhayso.

    Hargeysa(Halgan)Dawlada Ingiriiska ayaa balan qaaday inay baadhitaan kusamaynayso lacago mucaawimooyin ah oo loogu talo galay in lagu cawiyo dadka abaaraysan ee Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Dawlada Ingiriiska ayaa balan qaaday inay baadhitaan kusamaynayso lacago mucaawimooyin ah oo loogu talo galay in lagu cawiyo dadka abaaraysan ee Somaliland.

 

Waxaana dhacdadan lagaga hadlay fadhigii ay toddobaadkii ina dhaafay yeesheen xildhibaanada Golaha Barlamaanka ee Ingiriisku, iyada oo su’aalo arrimahaasi kusaaban la weydiiyey wasiirka Wasiir u dawlaha horumarinta caalamiga ah ee Dalkaasi Priti Patel.

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa weydiiyey wasiirka su’aal udhignayd sidan "Waxa aan bogaadinayaa dadka tirada badan ee reer Cardiff, oo ay ku jiraan kooxaha kubadda cagta ee deegaanka, ee dhaqaalaha u ururiyey dadka ku tabaaloobay dhulka ay abaaruhu ka dhaceen, gaar ahaan Somaliland. Waxa aan maqlay cabasho warwarkeeda leh oo ay dawladda Somaliland iyo dhinacyo kalaba ku sheegayaan in qaybo ka mid ah caawimada loo ballan qaaday gobalku aanay gaadhin. Wasiiru-dawluhu ma baadhi doontaa arrintan, wixii awooddeeda ahna gacan ma ka geysan doontaa in caawimadu ay gaadho”

Wasiiradda oo iyada lafteedu ah xildhibaanad ka tirsan Barlamaanka ayaa kaga jawaabtay su’aashaasi "Mudanaha sharafta leh waa aan uga mahadnaqayaa ka hadlidda qodobkan. Waa in aynu mar kasta dood adag hordhigno nidaamka, iyo xitaa dawladaha iyo maamullada. Sida uu ogaan doono, waxaa jira duruufo u gaar ah Somaliland, waa goob ay ka jiraan caqabado badani. Waxa aan saari doonaa cadaadis joogto ah, waanan u soo jeedsan doonaa in aan ku dhawaaqo cidda horjoogsanaysa in caawimadu ay gaadho, si dhab ah ayaa aan u eegi doonaa qodobkaas uu xildhibaanku ka hadlay”.

Arrintan ayaa fadeexad ku ah xukumada Somaliland iyo hay’addaha sama falka ee lacagahaasi loo soo dhiibo , kuwaas oo musuq maasuq balaadhan ku sameeya lacagtaasi.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip