Dawlada Jabouti Oo Kordhisay Dagaalkay Dekeda Berbera Kula Jirtay , Iyada Oo Dhisaysa Dekeda Dhoofka Xoolaha U Gaar Ah.

0
Monday April 03, 2017 - 01:28:01 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Jabouti Oo Kordhisay Dagaalkay Dekeda Berbera Kula Jirtay , Iyada Oo Dhisaysa Dekeda Dhoofka Xoolaha U Gaar Ah.

    Hargeysa(Halgan)Dawlada Jobouti aya sii xoojisay dagaalka iyo tartankay kula jirto dekeda magaalada Berbera, iyada oo hadda bilawday dhismaha deked cusub oo u gaar noqon doonta dhoofka Xoolaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Dawlada Jobouti aya sii xoojisay dagaalka iyo tartankay kula jirto dekeda magaalada Berbera, iyada oo hadda bilawday dhismaha deked cusub oo u gaar noqon doonta dhoofka Xoolaha.

Xoolahan ayaa noqonaaya kuwa taga wadanka Sucuudiga oo laga xayiray dhowaan dalalka Somaliland iyo Somaliya, kadib markii la sheegay in xanuun laga helay.

Wargeyska kazoo baxa wadanka Ethiopia ee Capital ayaa qoralada warkan baahiyey , isaga oo sheegay in dawlada Jabouti ay bilawday dhismaha deked weyn oo u gaar noqon doonta dhoofka Xoolaha , iyada oo xoolaha ugu badani ka iman doonaan wadanka Ethiopia gudihiisa.

Dekeda ayaa lagu magcaabaa Damerjoog Livestock Port, waxaanay noqon doontaa marin ay dawlada Ethiopia aad ugu xidhanto .

Waxaana loogu talo galay inay dekedan ka dhoofaan sannadkii xoolo dhan ilaa 10 milyan oo neef, waxaana kusoo xidhan doona ilaa shan markab markiiba.

Dekedan ayaa kusoo beegmaysa xili dhowaan la joojiyey xoolihii Sucuudiga uga tegi jiray dalka Somaliland iyo Somaliyaba, iyada oo haddana ay soo waajahayso dekedan oo khatar badani ku keeni karta Somaliland, gaar ahaana dhanka dhaqaalaha.

Xukumada Somaliland ayaanay jirin cid wax qorshe ah meel sii dhigatay , sidoo kalena aan diyaar u ahayn dagaal dhan kasta ah oo ay socon kartaa.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip