Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadashay Taageeradda Dhaqaale Ee Ay Somaliland Siiso.

0
Sunday April 09, 2017 - 00:56:34 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadashay Taageeradda Dhaqaale Ee Ay Somaliland Siiso.

    Hargeysa(Halgan)Dawlada Dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageero dhaqaale siiso Somalilad, taas oo ay sheegtay inay jiraan mashaariic laga helinaayo Somaliland .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Dawlada Dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageero dhaqaale siiso Somalilad, taas oo ay sheegtay inay jiraan mashaariic laga helinaayo Somaliland .

Wasiir u dawlaha Ingiriiska ee dalalka Barwaqo Sooranka ah Baroness Anelay ayaa ka warbixisay kaalmooyinka ay dawlada Somaliland siiyaan.

Waxaanay hadalkan ka sheegtay su’aalo laga weydiiyey Barlamaanka Ingiriiska.

Wasiir u dawlaha oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa hadaladeedii kamid ahaa:-

""Ingiriiska waxaa weli ka go’an xoojinta xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

Waxa aanu taageero ka geysannaa wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo deris la’ ah, iyo ka u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya, ee la xidhiidha danaha ay wadaagaan.

Somaliland, Ingiriisku waxa uu xubin firfircoon ka yahay koox deeq-bixiyeyaal caalamiya ah oo taageero farsamo, dhaqaale iyo siyaasadeed siiya Guddida doorashooyinka qaranka, iyo guud ahaan doorashooyinka Somaliland. Waxaa caawimadaas ka mid ah, 2.18 Milyan oo Giniga Ingiriiska ah, oo uu Ingiriisku ku taageeray qorshaha, diyaarinta iyo gaadhsiinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland ee loo adeegsaday farsamada sawirka indhaha.”

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip