Madaxweyne Farmaajo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Dalka Turkey-ga +Sawiro.

0
Thursday April 27, 2017 - 01:16:05 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Dalka Turkey-ga +Sawiro.

    Ankara(Halgan) Madaxweynaha Dawlada Federalka ah ee Somaliya ayaa gaadhey magaalada Caasimada Turkey-ga u ah, iyada oo uu halkaasi kusoo dhoweeyey madaxweynaha Turkey-ga iyo xubno xukumadiisa kamid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara(Halgan) Madaxweynaha Dawlada Federalka ah ee Somaliya ayaa gaadhey magaalada Caasimada Turkey-ga u ah, iyada oo uu halkaasi kusoo dhoweeyey madaxweynaha Turkey-ga iyo xubno xukumadiisa kamid ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey dalkaasi, iyada oo ay hab la yaableh usoo dhoweeyeen masuuliyiinta dawlada Turkey-ga oo uu hogaaminaayo madaxweyne Erdogan.

Markii uu dalkaasi gaadhey madaxweyne Farmaajo waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada Turkey-ga cutubyo ka tirsan, waxaanay garaacayeen astaanka Calanka Somaliya iyo Turkey-ga .

Labada madaxweyne oo kulan wada qaatay intaasi ka dib waxa ay ka wada hadleen xidhiidhka iskaashi ee Somaliya iyo Turkey-ga .

Waxa uu sidoo kale madaxweyne Farmaajo la kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka Turkey-ga , isaga oo booqday aqalka Barlamaanka Turkey-ga.

Waxaanay labada masuul ka wada hadleen arrimo badan oo xidhiidhka labada dal ku salaysan .
















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip