Madaxtooyada Somaliland Oo Lacagtii Ugu Badnayd Kharash Garaysay , Xagee Ku Kharash Garaysay ,Yaase Lagu Kharash Gareeyey +Sawiro.

0
Thursday May 04, 2017 - 00:08:49 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Somaliland Oo Lacagtii Ugu Badnayd Kharash Garaysay , Xagee Ku Kharash Garaysay ,Yaase Lagu Kharash Gareeyey +Sawiro.

    Hargeysa(Halgan)Madaxtooyada Somaliland ayaa lacagtii ugu badnayd toddobaadkan ku kharash garaysay xaflad balaadhan oo magaalada Hargeysa ka dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Madaxtooyada Somaliland ayaa lacagtii ugu badnayd toddobaadkan ku kharash garaysay xaflad balaadhan oo magaalada Hargeysa ka dhacday.

Madaxtooyada ayaa casuumad balaadhan u samaysay dhakhaatiir ka socotay wadanka Imaaraadka , kuwaas oo dhowaan magaalada Hargeysa u yimid arrimo mutadawacmo oo dhanka caafimaadka ah.

Waxaana munaasibad balaadhan oo casho sharaf ah loogu qabtay Hotel Cali Jirde oo ay hotelka marwada Madaxweyne Siilaanyo oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyey, kas oo la geliyey lacago aad u badan, waxaana dib u habayntaasi k samaysay shirkaddo laga lee yahay wadamada Dibada.

Munaasibadan waxa kazoo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, marwada Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ugu sar sareeya Golihiisa wasiiradda .

Waxa iyaguna dhankooda kazoo qayb galay dhakhaatiirta munaasibadaasi loo qabtay iyo marti sharaf kale, kuwaas oo qayb ka ahaa dadka lagu soo casuumay munaasibadaasi.

Lacagta ku baxday casho sharaftaasi ayaa warar hoose oo ay shabakada Halgannews heshay lagu sheegay inay gaadhaysay ilaa $10,000 ( Toban Kun ) Oo Dollar , taas oo laga bixiyey khasnada ummada.

Waxaanay noqonaysaa munaasibaddii ugu horeysay ee lagu qabto Hotelka marwada Madaxweyne Siilaanyo kadib dib u habayntaasi lagu sameeyey.

Munaasibadan ayaa imanaysa xili dadku ay la liic liicayaan Abaaro, Sicir barar iyo lacag la’an la sheegay inay ka jirto khasnada Dawlada Somaliland, taas oo keentay in la qaban kari waayo munaasibadii 18 May.




















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip