Ilmeyar Oo Ku Dhashay Arrin Mucjiso Ah Iyo Dhakhaatiir Hindi Ah Oo Xaliyey .

0
Wednesday May 10, 2017 - 01:55:12 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilmeyar Oo Ku Dhashay Arrin Mucjiso Ah Iyo Dhakhaatiir Hindi Ah Oo Xaliyey .

    Hargeysa(Halgan)Dhakhaatiirta wadankaasi India ayaa ku guulaysaytay inay xaliyaan dhacdo ka dhacday wadankaasi India, kadib markii ay gabadh yar oo reer Hindiya ahi ku dhalatay arrin mucjiso ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Dhakhaatiirta wadankaasi India ayaa ku guulaysaytay inay xaliyaan dhacdo ka dhacday wadankaasi India, kadib markii ay gabadh yar oo reer Hindiya ahi ku dhalatay arrin mucjiso ah.

Gabadhan ayaa ku dhalatay iyada oo leh laba madax iyo saddex gacmood , kuwaas oo dadka mucjiso ku noqotay, waxaanay madaxa iyo gacanta dheeraadka ah ku lahayd gabadhaasi caloosha .

Waxa gabadhaasi yar qaliin ku sameeyey dhakhaatiirta cisbitaalka jk Lone oo ku yaala magaalada Jaipur ee dalkaasi Hindiya, waxaanu qaliinka gabadhaasi yari socday muddo afar saacadood ah.

Hooyada ilmahan yar dhashay oo da’deedu tahay 21 sanno jir ayaa markii ay dhakhtarka tagtay loo sheegay inay mataano sido, iyada oo tagtay cisbiaalka Ram Shehi , waxaanay ka cabatay xanuuno dheeraada oo aanay kazoo marin caruurteedii hore.

Wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in aanu madaxa labaad lahayn wax indho ah iyo dhego ah, waxaanay dhakhaatiirtu hooyadan ku baadheen qalabka Ultrasound ka loo yaqaano, iyaga oo u sheegay inay mataano wado..

Markii ay hooyadani umushay waxay dhashay ilme mucjiso ah , iyada oo dhakhaatiirtu sheegeen in qaabka ilmuhu yahay sidii mataanaha oo kale, , iyada oo caruurta adduunka laga helo 1 milyanba hal ilme.

Ninka qaba gabadhan oo ah beeralay ayaa dalbaday in marka ugu horeysa loo bad baadiyo xaaskiisa, haddii ilmaha la bad baadin karona ilmahana la bad baadiyo.

Qaliinkaasi lagu sameeyey ayaa lagu guulaystay ugu dambayn in madiiixii dheeraadka ahaa laga jaro ilmahaasi, iyada oo haddda si caadi ah loogu daweynaayo cisbitaalka lagu qalay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip