Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shacabka Reer Hargeysa Kala Qayb Galay Dawashada Ciyaaro Ka Socday Garoomada Hargeysa Qaar Kamida +Sawiro.

0
Friday June 23, 2017 - 15:34:18 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shacabka Reer Hargeysa Kala Qayb Galay Dawashada Ciyaaro Ka Socday Garoomada Hargeysa Qaar Kamida +Sawiro.

    Hargeysa(Halgan)Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda somaliland,Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha madaxwayanaha Somaliland ayaa shalay galabta ka qayb galay munaasibad lagu soo gabagabaynaayay tartano ciyaareed oo bisha ra

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda somaliland,Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha madaxwayanaha Somaliland ayaa shalay galabta ka qayb galay munaasibad lagu soo gabagabaynaayay tartano ciyaareed oo bisha ramadaan ka socday qaar ka mid ah garoomadda kubbadda cagta

, isagoo madaxweyne ku xigeenku ka qayb galay kuwii ka garoomada Xawaadle iyo 31 May.

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha madaxwayanaha ayaa gunaanakii munaasibada halkaasi koobab ku gudoonsiiyay kooxihii ku guulaystay tar-tanka bisha barakaysan ee rammadaan kuwaas oo kala ahaa kooxda dhamays oo iyagu ku guulaystay tartanka garoonka Xawaadle isagoo madaxwayne ku-xigeenku bilado iyo shahaado sharafyo ku maamuusay ciyaartooyadii halkaasi ku ciyaarayay.

Dhinaca kale waxa madaxweyne ku-xigeenka iyo xubno xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isugu jirey oo la socday ayaa u daawasho tagay ciyaar kama dambays ahayd oo ka dhacday garoonka 31-ka May, taas oo dhexmartay kooxaha Somaliland Horn Group iyo Shacabka, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo daawashada ciyaarta ka qaybgalay.


Gebo-gebadii ciyaarta ayey guushu raacay kooxda Shacabka, waxana koobkii ay ku guulaysteen oo uu hore xisbiga KULMIYE u dhigay guddoonsiiyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, isaga oo ciyaaryahannadii kaalinta labaad galayna ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay muujiyeen.


Image may contain: 5 people, people smiling, people standing
Image may contain: 1 person, crowd and outdoor
Image may contain: 36 people, crowd and outdoor
Image may contain: one or more people and people sitting
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing, crowd and outdoor
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people smiling, text
Image may contain: 32 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 3 people, people smiling, beard

Image may contain: 4 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 1 person, outdoor
Image may contain: 1 person, crowd and outdoor
Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person
Image may contain: 12 people, people standing
Image may contain: 7 people, people smiling, people standing
Image may contain: 5 people, beard and outdoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip