Ganacsatada Sucuudiga Oo Helay Suuq Cusub Oo Xoolaha Nool Ay Ka Iibsadaan, Bedelina Doona Suuqyadii Xoolaha Somalida.

0
Saturday July 01, 2017 - 07:37:33 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Sucuudiga Oo Helay Suuq Cusub Oo Xoolaha Nool Ay Ka Iibsadaan, Bedelina Doona Suuqyadii Xoolaha Somalida.

    Hargeysa(Halgan)Ganacsatada Sucuudiga ee ka ganacsata Xoolaha ka ganacsigooda ayaa helay suuq cusub oo dhanka xoolaha ah, kaas oo u bedeli kara suuqii hore ee xoolaha oo ahaa dhulka Somalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Ganacsatada Sucuudiga ee ka ganacsata Xoolaha ka ganacsigooda ayaa helay suuq cusub oo dhanka xoolaha ah, kaas oo u bedeli kara suuqii hore ee xoolaha oo ahaa dhulka Somalida.

Wargeyska ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Al Iqtisaadiya ayaa ka faalooday waxyaalona ka qoray arrimahan, isaga oo sheegay in gamacsatada Xoolaha ka ganacsada ee Sucuudigu inay suuq weyn ka heleen dalkaasi Ethiopia.

Waxaanay arrintani keentay in toddobaadyadii ugu dambeeyey ganacsatadaasi ay xoolahaasi ka soo iibsanayeen dalkaasi, halkaas oo laga dhisay maxjaro cusub, waxaanay xoolahani ka qiimo jabnaan doonaan kuwa Somalida, sidoo kalena kharashka raritaanka Xoolahaas ayaa 50% ka yar sidii hore.

Ganacsade lagu magcaabo Xaamid Al Jadcaan ayaa sheegay in ay maalgashadeyaal badani ay u wareegi doonaan Ethiopia , iyaga oo kor u qaadaaya xidhiidhka labada dal ee ganacsiga, iyo maalgashiga dhinaca Xoolaha .

Waxaana u bilaabmay kulano hor dhac ah oo ay ku doonayaan inay heshiisyo ku kala saxeexdaan ganacsatada dawladaha Sucuudiga iyo Ethiopia.

Waxa uu ganacsadahani sheegay in xoolaha Ethiopia u dhigmaan una eg yihiin Xoolaha Somalida, waxa kale oo uu intaas ku daray in xoolahani marka la raro ay toos udhoofi doonaan, iyaga oo aan sii marayn dalkaasi Jabouti oo ay hore u mari jireen.

Waxa kale oo uu is bar bar dhigay kharashka kaga bixi jiray waqtigii hore iyo ka hadda kaga baxaaya, waxaanu yidhi ” Maxjarka Jabuuti Neefka wuxuu ka qaadi jiray $9 ilaa $10 intaa waxaa dheeraa Cawska iyo wixii kale oo kharash ah oo ay xooluhu u baahdaan, wuxuu gaadhi jiray kharashka raacaya $12 – $13, laakiin imika ka dib furitaanka Maxjarka itoobiya wuxuu kharashku hoos u dhacay 50%. Waxaana la ogolaaday Maxjarada itoobiya 2 bilood ka hor” isaga oo sidoo kalena intaas ku daray "Xoolaha itoobiya waxay dhanyihiin 40 Milyan oo neef, waana xoolo aad u fiican, sicirkooduna aad u macquul uyahay, gaar ahaan Maxjaradaan markii la furay oo laga maarmay kuwii Jabuuti” .

Waxa kale oo loo sameeyey goobahaasi goobo lagu xanaaneeyo laguna naaxiyo xoolaha halkaasi ka dhoofaaya, iyada oo ay mashaariicdani hoos u dhigayaan dhoofkii Xoolaha ee ay ka dhoofayeen wadamada Somalida , sidoo kalena waxa laga yaabaa inay saamayso xoolihii Ethiopia ee u dhoofi jiray wadamada Masar, Imaaraadka ,Jabouti iyo Urdun.

Arrintan ayaa gebi ahaanba meesha ka saari karta Xoolihii Somalida ee ka dhoofi jiray dekedaha Somalida oo ahaa waxa ugu weyn ee dhaqaalaha Somalidu ku xidhnaa, sidoo kalena mudadii ay xidhnaayeen uu hoos u dhacay dhaqaalaha Somalidu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip