|
|||
![]() Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha La Doortay Ee Kenya.
Hargeysa(Halgan)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Kenya Uhuro Kenyatta.
Warsaxaafadeed kazoo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland soona gaadhey xafiiska Shabakadda Halgannews ee magaalada Hargeysa ayaa lagu cadeeyey hambalyaddaasi madaxweynaha Somaliland u diray madaxweynaha Kenya. Madaxweynaha oo hambalyaddaasi u diraayey dhigiisa Kenya ayaa yidhi " aniga oo ku hadlaaya afka dawlada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkeeda, waxaan si laabta kazoo go’day kugu hambalyeynayaa dib u doorashadaada markale lagu doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya.
Waxay doorashadaadan dib lagu doortay cadaynaysaa sida ay dadka reer Kenya ugu kalsoon yihiin hogaamintaada,waxanaan rajaynayaa in xili hogaamineedkaaga labaad aynu sii wada wadi doono ( Somaliland iyo Kenya) wada shaqaynteena, inaga oo sii xoojinayna saaxiibtinimadeena iyo xidhiidhka u dhexeeya labada Qaran, iyo ta gobolka Geeska Afrika, siina wadi doona kor u qaadida Nabada, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda ".
Hoos ka Akhri Iyadoo Ingiriis Ah. Date: 12.08.2017 You’re Excellency, Your election demonstrates the confidence that the Kenyan people have in your leadership. It is my hope that during your second term in office, we shall continue to work together towards strengthening the friendly relations between our two nations. Within the region of Horn of Africa, we will continue to enhance peace, progress and democracy. Mr. President, please accept my sincere wishes for the success of your administration, for the personal well-being of yourself and your family and for the peace and prosperity of your people and country. Yours sincerely, H.E. Ahmed Mohamed Silanyo, Leave a comment |
|
Copyright © 2016 - 2018 Halgan News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha La Doortay Ee Kenya.
Hargeysa(Halgan)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Kenya Uhuro Kenyatta.