Dawlada Jarmalka Oo Sharci Cusub Kusoo Rogtay Bogaga Internet-ka .

0
Friday January 12, 2018 - 13:58:09 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Jarmalka Oo Sharci Cusub Kusoo Rogtay Bogaga Internet-ka .

    Hargeysa(Halgan)Dawladda dalkaasi Jarmalka ayaa soo saartay sharci cusub oo ay kusoo rogtay bogaga Inernet-ka ee ay shacabku isticmaalaan, gaar ahaana Facebook-ga, Twitter-ka iyo kuwo kale oo badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Dawladda dalkaasi Jarmalka ayaa soo saartay sharci cusub oo ay kusoo rogtay bogaga Inernet-ka ee ay shacabku isticmaalaan, gaar ahaana Facebook-ga, Twitter-ka iyo kuwo kale oo badan.


Sharcigan ayaa dhigaaya in bogagaasi si deg deg ah looga saaro qoraaladda ka turjumaaya isir nacaybka, waxyaalaha sharci darada ka ah dalkaasi iyo wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo, kuwaas oo laga cabsi qabo inay dalkaasi fawdo geliyaan.

Waxaanu sharcigan khasab kaga dhigayaa shirkaddahaasi inay si deg deg ah uga fal celiyaan waxyaalaha lagu soo daabaco barahaasi ee ku salaysan arrimaha isir nacaybka ah, iyada oo ay isha si joogto ah ugu haynayaan waxyalahaasi la soo daabacaayo.

Bogagan ayaa haddii lagu daabaco waxyaalahaasi lagu amray in laga ilaaliyo waxa lagu qaadi doonaa ganaax adag, kaas oo ah lacag dhan ilaa 50 million oo lacagta Yurub ah, waxaana loo raacin doonaa digniin.

Sidoo kale baraha qaarkood iyo warbaahinta Ayaan iyagu la ganaax noqon doonin barahan , waxaana laga qaadi doonaa lacag dhan 2 million oo ganaax ah, taas oo ka yar ganaaxii hore, iyada oo labada dhinac ba la siin doono muddo 24 saacadood ah oo ay kaga masaxaan waxyaalaha lagu qoro.

Sharcigan oo la meel mariyey bishii June ee sannadkii la soo dhaafay ee 2017-kii ayaa in badan sugaayey in dawlada dalkaasi hirgeliso, iyada oo lagu magcaabo NetzDG, waxaanu si sax ah u dhaqan galay October sannadkii ina dhaafay , inkasta oo la siiyey bogaga dadku ku xidhiidhan iyo kuwa wax laga daawado fursad ahayd ilaa dhamaadkii sannadkii tegey.

Waxaanu samayn ku yeelan doonaa sharcigani barakaha Youtube, Twitter iyo Facebook-ga oo ah meelaha ugu badan ee dadka Muhaajiriinta necebi ka abaabulaan rabshaddaha , kuna qoraan qoraaladda isir nacaybka ah.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip