Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Jebiyey Xeer Madaxweyne Biixi U Dhigay Golihiisa Wasiiradda.

0
Saturday January 13, 2018 - 19:20:00 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Jebiyey Xeer Madaxweyne Biixi U Dhigay Golihiisa Wasiiradda.

    Hargeysa(Halgan)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cornel Maxamed Kaahin Axmed ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyey ee jebiya xeer uu madaxweyne Muuse Biixi u dhigay Golihiisa Wasiiradda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cornel Maxamed Kaahin Axmed ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyey ee jebiya xeer uu madaxweyne Muuse Biixi u dhigay Golihiisa Wasiiradda.


Xeerkan ayaa ahaa in aanay iska daba hadlin mark acid loo jawaabaayo ama laga hadlaayo arrin, waxaana loo calaamadiyey oo keliyaata inuu arrintaasi ka hadli karo wasiirka warfaafinta ,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo ah afhayeenka Xukumadda.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta ka hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Tukaraq ee gobolka Sool oo dhex maray ciidamada Somaliland iyo ciidamada Somaliya , iyada oo uu dhacdadaasi hore uga hadlay wasiirka warfaafinta Somaliland.

Waxa isna sidoo kale ka cudur daartay inuu arrintaasi ka hadlo wasiirka difaaca Somaliland, kaas oo sheegay in ay arrintaasi ka gole xukumad ahaan u xil saareen inuu ka hadlo oo afkooda ku hadlo wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka Xukumada.

Dawladda Muuse Biixi ayaa la filaayey inay arrintaasi kaga duwanaato dawladdii madaxweyne siilaayo oo si habqan iyo is daba yaac ah uga jawaabi jirtay eedaymaha uga yimaada dawladda Taagta daran ee Muqdisho ama maamul goboleedyadda ka hoos dhisan maamulkaasi Muqdisho.

Wasiirka oo maanta warbaahinta kula hadlaayey xafiiskiisa ayaa si adag uga hadlay daan daansiga dawladda AMISOM ee Muqdisho ka arrimisa ay kusoo qaaday degaanka xuduudka Somaliland ee Tukaraq.




Hoos Ka Daawo Muqaalka Warkaasi.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip