Yaa Ku Cusub Agaasimeyaasha Uu Maanta Magcaabay Madaxweyne Biixi ?.

0
Saturday January 13, 2018 - 21:41:53 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Ku Cusub Agaasimeyaasha Uu Maanta Magcaabay Madaxweyne Biixi ?.

    Hargeysa(Halgan) madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magcaabay agaasimeyaal cusub oo kamid noqon doona dawladdiisa .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan) madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magcaabay agaasimeyaal cusub oo kamid noqon doona dawladdiisa .


Madaxweynaha ayaa soo celiyey qaar kamid ah agaasimeyaashii hore ee xukumadii Madaxweyne Siilaanyo, iyada oo ay jiraan agaasimeyaal cusub oo kamid ah agaasimeyaasha uu magcaabay.

Hoos Ka Akhri Magacyadda Agaasimeyaashaasi.

WAR-SAXAAFADEED:13/01/2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-


Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

2. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

3. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

4. Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip