Sawiro:Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Ka Socda Dawladda Ingiriiska

0
Wednesday February 07, 2018 - 23:40:38 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro:Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Ka Socda Dawladda Ingiriiska

    Hargeysa(Halgan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar oo ay wehelinayaan Madaxa u fadhiya xafiisk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar oo ay wehelinayaan Madaxa u fadhiya xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Somaliland

, Madaxa Hay’adda Ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibadda ee DFID, saraakiil kale oo arrimaha militerigaiyo mucaawimooyinka dibadda u qaabilsan.

Waxaana kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray, sidii Somaliland ay gaar ugu heli lahayd deeqaha ay ka hesho dunida, gaar ahaan Ingiriiska, si ay qayb uga noqdaan gurmadka abaaraha soo cusboonaaday, iyada oo sidoo kale waxa kulankaa lagaga wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta deeqaha ay Somaliland ka hesho dalalka Denmark, Britain iyo Norwey, waxaanay madaxda dawladda Ingiriiska ee kulankan ka qayb-gashay ballan qaadeen maanta in ay ka Ingiriis ahaan ku shubayaan sanduuqa horumarinta Somalilnad (Somaliland Development Fund) lacag dhan 25-Milyan (shan iyo labaatan milyan) oo dollar.

Sidoo kale waxa shirkaasi lagu soo qaaday mashaariicaha kala duwan ee Somaliland ay u soo mariyaan ingiriisku Hay’addaha Qaramada midoobay, Baanka adduunka iyo kuwa caalamiga ah ee wax lagaga qabto arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-habaynta cashuur-ururinta, tababarada ciidamada Booliska iyo dib-u-habaynta garsoorka iyo Maxkamadaha dalka.


Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Kulanku waxay kala ahaayeen:-

1. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.
3. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
4. Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
5. Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac.
6. Wasiirka Gashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf.
7. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani
8. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan
9. Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali Axmed.

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen

1. Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. David Concar
2. Madaxa Hay’adda DFID u qaabilsan Ingiriiska Phil Evans.
3. Madaxa dawladda ingiriiska u qaabilsan xafiiskeeda Hargeysa, Rosie Tapper.
4. La-taliye ka socday Hay’dda DFID oo lagu magacaabo Kate Greany iyo saraakiil kale.

Image may contain: 1 person, standing and suit
Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting and table
Image may contain: 1 person, standing
Image may contain: 1 person, smiling
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting and table
Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, suit
Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting, table, office and indoor
Image may contain: 3 people, indoor


Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting, suit and indoor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip