Somaliland Oo Ka Dhex Hilaacday Buuhoodle, Kana Yaabisay Maamulka Puntland.

0
Saturday February 10, 2018 - 15:05:02 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Dhex Hilaacday Buuhoodle, Kana Yaabisay Maamulka Puntland.

    Buuhoodle(Halgan)Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa gaadhey magaalada Buuhoodle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuhoodle(Halgan)Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa gaadhey magaalada Buuhoodle.

Wasiirka ayaa socdaalkiisa ku sii maray degaano kamid ah gobolkaasi Buuhoodle, kuwaas oo ay kow ka tahay magaalada Qorilugud iyo degaanada Sool Joogto iyo degaano kale.

Wasiirka waxa si weyn loogu soo dhoweeyey degaanada uu sii maray, isaga oo dadka ka xaalad waraysanaayey waxa ay ku sugan yihiin, waxaanu ugu dambayn gaadhey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle.

Waxaana lagaga hor yimid meel magaalada Buuhoodle u jirta ilaa 30 Km, iyada oo ay kaga hor yimaadeen shacabka magaalada Buuhoodle oo isugu jiray Dhalinyaro, Waayeel, Cuqaal, Culimo iyo ciidamada degaankasi.

Dhalinyaro ku gaashaam fardo ayaa iyaguna qayb weyn ka ahaa soo dhoweynta wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland oo degaankaasi gaadhey.

 

 



Hoos Ka Daawo Muqaalka Warkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip