Xukumadda Muuse Biixi Oo Durba Cagta Saartay Wadadii Dilaalnimo Ee Xukumadii Siilaanyo .

0
Saturday February 10, 2018 - 15:15:18 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Muuse Biixi Oo Durba Cagta Saartay Wadadii Dilaalnimo Ee Xukumadii Siilaanyo .

    Hargeysa(Halgan) Xukumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa cagta saartay waddadii dilaalnimo ee ay caanka ku ahayd xukumadii ka horeysay .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan) Xukumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa cagta saartay waddadii dilaalnimo ee ay caanka ku ahayd xukumadii ka horeysay .

Waxaana durba soo baxay shirkaddo ka dhex dilaali doona Somaliland iyo Wadanka Imaaraadka, kuwaas oo lagu sheegay inay ka shaqayn doonaan horumarinta iyo maalgashiga Somaliland.

Ilaa hadda ma cadda cidda rasmiga ah ee leh shirkaddaasi, iyada oo lagu xamanaayo inuu lee yahay wiilka uu soddoga u yahay madaxweynihii hore ee Somaliland Baashe Cawil oo hadda ah safiirka Somaliland ugu magcaaban Imaaraadka.

Wiilkan oo ah ninkii hore u dilaalay Dekeda magaalada Berbera ee ay la wareegtay shirkadda Dp World iyo Saldhiga Ciidan ee uu Imaaraadku ka dhisanaayo Berbera ayaa hadda u tafo xaydan sidii uu mashaariic cusub uga dhex samayn lahaa labada dawladood.

Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland oo arrintaasi maanta magaalada Hargeysa kaga hadlay ayaa uga warbixiyey warbaahinta shirkadaasi, isaga oo aan uga hadlin siday xaqiiqdu tahay.

 

 

Hoos Ka Daawo Warkaasi Oo Muqaal Ah.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip