Wasiirku Ma Magacaabi Karaa Shaqaale Dawladeed?

0
Wednesday February 14, 2018 - 12:38:18 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirku Ma Magacaabi Karaa Shaqaale Dawladeed?

    Sharci yaqaan ma ihi, waxbana kamaan dhigan arimaha sharciga, laakiin qormadan waxaan ka eegayaa dhanka maamulka dawlada oo aan aqoon u leeyahay waxna ka dhigtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharci yaqaan ma ihi, waxbana kamaan dhigan arimaha sharciga, laakiin qormadan waxaan ka eegayaa dhanka maamulka dawlada oo aan aqoon u leeyahay waxna ka dhigtay.


Hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dawlada waxa gun-dhig u ah jiritaanka sharciyo iyo xeerar, kuwaas oo haga adeegga dawladu siiso dadweynaha, la’aantoodna aanay macquul noqonayn in la helo jiritaan dawladnimo. Hadaba, anigoo ka duulaya muhiimada sharciyada iyo xeerarka dawladu ay leeyihiin, waxaan qoraalkaygan kooban ku iftiiminayaa …..

Hadaba intii xukuumada cusub timi wasiiradii laga magacaabay waxay isla markiiba ku dhaqaaqeen inay dib u habayn ku samayeen wasaaradahii loo magacaabay, waliba wasiirada qaarkood waxay hawshaas bilaabeen iyada oo aan golaha wakiiladu anxisin wasiirnimadooda (Tusaale wasiirka maaliyadda).

Hadaba, arrinkan waxa ka dhalanaya su’aalo dhowr ah oo kuwo sharci iyo amaamulba leh.

Sida uu qeexayo (Sharciga Shaqaalaha Dawlada Law No. 7/96) shaqaale dawladeed waxa looga jeedaa "qofka shaqaalaha ah ee ka shaqeeya Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda”. Sharciga Shaqaalaha Dawladu wuxuu si cad u sheegay cidda noqon karta iyo shuruudaha lagu noqon karo shaqaale dawladeed. Laakiin anigu dhankaa uma socdo, waxaan u gol-leeyahay yaa awood sharci u leh inay shaqaalaysiiso qofka noqonaya shaqaale dawladeed? Ma wasiirka mise gudiga shaqaalaha dawladda?

Ugu horayn, (Xeerka Nidaamka Xukuummada Law No. 71/2015 qodobkiisa 22 xarafkiisa (B) farqadiisa (13aad) waxa lagu xusay in wasiirku awood u leeyahay "Magacaabista iyo isku bedelka agaasime waaxeedyada markuu la tashado agaasimaha guud”

Dhanka kale aan is yar dul taagno isna waxa uu dhigayo Sharciga Shaqaalaha Dawladu qodobkiisa 9aad farqadiisa 1, 3, iyo 4aad ee ka hadlaya (lmtixaanka Shaqo-qorista iyo Magacaabista Guddiga lmtixaanka)

Farqada 1: Qofka shaqaalaha waxa lagu magacaabi karaa derejada bilowga ah ee qaybta derejadani tahay iyadoo lagu salaynayo tartan imtixaan furan iyo haysashada shahaadooyin asal ah isagoo mari doona xilliga tijaabada shaqo, haddii aan sharcigani wax kale jidayn”

Farqada 3: Shuruudaha iyo nidaamka tartanka imtixaanka furan waxa dejinayo Guddiga Hay’adda Shaqaalaha Dawladda markay helaan talada Golaha Wasiiradda. lmtixaanqaadayaasha waxa magacaabaya Guddiga Hay’adda Shaqaalaha.

Farqada 4: Haddii aan sharcigan si kale jidayn, magacaabis kasta oo aan waafaqsanayn tilmaamaha Faqrada 1aad, ee qodobkan waxay noqonayaan waxba-kama-jiraan loomana arkayo waajib maamul.

Inta aynaan u galin qodobka ka hadlaya shaqaalo qorista tooska ah ee aan imtixaan u baahnayn ee uu dhigayo Sharciga Shaqaalaha Dawladu, waxaynu is-weydiinaynaa waa maxay magaabista lagu sheegay xeerka nidaamka xukuumada qodobkiisa 22 xarafkiisa (B) farqadiisa (13aad). Ma awood wasiirka la siiyay baa inuu magacaabi karo qof wasaarada hore uga sii shaqaynayay iyo mid aan shaqaale dawladeedba ahayn? Anigu jawaab uma hayo ee sharci-yaqaanada ayaan u dhaafay.

Hadaba goormaa qof noqon karaa shaqaale dawladeed iyadoon loo marin tartarn imtixaan furan? Waxa taas ka jawaabaya Sharciga Shaqaalah Dawlada qodobkiisa 11aad ee ka hadlaya (Shaqo-qoris Toos ah) waxaanu dhigayaa sidan:

"Marka ay jiraan duruufo gaar ahi muwaadiniinta buuxiya shuruudaha lagu geli karo shaqada dawladda, ee ku xusan qodobka 8aad, farqadiisa 1aad, ee muujiyay hawlkarnimo iyo waaya-arragnima, Guddiga shaqaaluhu waxay awood u leeyihiin inay ku qaataan dereja aan ka hooseyn A4, iyagoon marin tartan imtixaan iyo tijaabo shaqa toona”

Qodobka 8aad farqiisa 1aad ee qodobka sare sheegayaa waa kan hoos ku xusan:

"Shaqaalaynta waxay u furan tahay oo keliya muwaadiniinta da’doodu ay tahay ugu yaraan 18 sanno, miyir-qaba, dhaqan wanaagsana leh haystana shahaadooyinka waxbarasho”

Hadaba yaa awood u leh magacaabis shaqaale dawladeed? Su’aashaas jawaabteeda waxa inoo sheegay mar kale Sharciga Shaqaalaha Dawlada qodobkiisa 20aad farqadiisa 1aad iyo 2aad

Farqada 1: Magacaabida, dallacaadaha iyo shaqo kasaarida wixii aan ahayn sababo anshaxmarin ee shaqaale-hoosaadka aan xirfada lahayn ee qaybta "D”, waxa awood u leh Wasiirka ama Guddoomiyaha ama Maareeyaha ama madaxa kaalin shaqo marka uu sao jeediyo sarkaalka ku shaqada lihi. Habkaas oo kale ayaa lagu maamulayaa xil u-saarista shaqo ee Wasaaradaha ama Hay’addaha dawladda, ama bedelaada Wasaarad ilaa Wasaarad ee shaqaalaha qaybta aynu hare u soo sheegnay.

Farqada 2: Magacaabida iyo dallacaahadaha khuseeya shaqaalaha qaybaha kale waxa awood u leh Guddiga Hay’adda Shaqaalaha Dawladda marka uu sao jeediyo Wasiirka ama Guddoomiyaha ama Maareeyaha ama madax kaalin shaqo. Habkaas oo kale ayaa lagu maamulayaa xil u-saarista shaqo, bedelaada iyo shaqo ka eriga wixii ka baxsan sababo anshax-marineed ee shaqaalaha qaybaha aynu kor ku sao sheegnay.

Marka loo fiirsado qodobka 20aad ee u dambeeya, wasiirku magacaabistiisu waxay ku xadidan tahay shaqaalaha nooc kama mida (Shaqaalaha darajada D). Shaqaale cusub oo wasaaradi qaadanayso oo ka sareeya darajada (D) waxa sharcigu dhigayaa in loo maro hanaan xor ah oo imtixaan

Su’aalaha sharci ee is waydiinta leh ee qoraalkan ka soo baxayaa waa kuwan

Magacaabista ay wasiiradu ka sameeyeen ma sharci baa? Sharcigee ama qodobkee awoodaas siiyay?

Xeerka dinaamka xukuumada ee awooda u siiyay inuu wasiirku magacaabis samayn karo, waa magacaabis noocee ah? Ma mid ka duwan ta uu sheegay Sharciga Shaqaalaha Dawlada qodobkiisa 20aad baa mise mid kale ayaa jira?

Mohamed Yusuf

Master of Public Administration

University of Exeter

UK




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip