Daadmadheedh: Daadaalkii Waabeeyo iyo Dib-u-dhicii ka Daneeyay! Sayid Maxamed Cumar "Darwiishka

0
Monday February 19, 2018 - 01:13:44 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daadmadheedh: Daadaalkii Waabeeyo iyo Dib-u-dhicii ka Daneeyay! Sayid Maxamed Cumar "Darwiishka

    Habeen iyo dharaar, caddo iyo gudcur, kulayl iyo qabow, caafimaad iyo cudur, nolol iyo geeri, barwaaqo iyo abaar, sareedo iyo silic, waa sunnayaasha ay noloshu marto ee uu Eebe S.W.Tuu sababteeda leedahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeen iyo dharaar, caddo iyo gudcur, kulayl iyo qabow, caafimaad iyo cudur, nolol iyo geeri, barwaaqo iyo abaar, sareedo iyo silic, waa sunnayaasha ay noloshu marto ee uu Eebe S.W.Tuu sababteeda leedahay.

 Waxaa taas la socda sunnayaal kale oomeertada nolosha soo marto taas oo aannu Eebbe [Kor ahaaye] sababteeda lahayn balse, uu Aadamahu sababteeda leeyahay. Colaad iyo nabad, jahli iyo aqoon, dulmi iyo caddaalad, ceeb iyo cissi, xumo iyo wanaag, dib-u-dhac iyo horumar, iyo waxyaalo kale oo badan imaanshahooda waxa sabab u ah Bani-Aadamka. Alle [Kor ahaaye], dib-u-dhac ma keeno balse dadka ayaa ah ka keena ee sababa. Sida oo kale dib-u-dhac kasta maadama uu dadku sababo waxaa beddeli karaa waa isla isagaun. Horumarka laftiisa waxa dib-u-dhac u beddeli karaa waa isla dadka un, dib-u-dhaca na waxa horumar u beddeli karaa waa isla isaga un. Isbeddel walba oo aadamahu sababaa ha ahaado mid togan ama ha ahaado mid taban e cidda sababaysaa waxa ay noqon kartaa, qayb dawladda ka mid ah, waxa ayna noqon kartaa dawladda, waxa ay noqon kartaa qayb bulshada ka mid ah, waxa ay noqon kartaa bulshada oo dhan, isla sida oo kale na waxa uu noqon karaa hal qof. Waa sidaas sida ay ku yimaaddaan isbeddellada uu ku dhaca dal, deegaan iyo dad-yowga ku nool carro-edeg oo dhan.

 

Hadda ba Gobolka Daadmadheedhtobankii sanno ee u danbeeyay waxasoo maray xaalado kala duwan oo leh mid togan oo horumar ah, iyo mid taban oo dib-u-dhac ah. Labadaas xaaladood ee kala duwan, waxa ta Horumarka ah sababteeda lahaaXildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed "Waabeeyo”oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Wakiilada ee Gobolka Daadmadheedh lagasoo doortay. Sida la og yahayna Shantii Xildhibaan ee Deegaanka Oodweyne ka soo baxay wax dib u soo jalleeca isagaa la hayay imikana la hayaa. Danbi iga raaci maayo haddii aan idhaahdo afarta Xildhibaan ee kale Magaca Gobolka Daadmadheedh way ka xaragoodaansheegashadiisa, sababtu na way iska caddahay oo "Haalkaas mar oo muuqaaga la waa” ayaa ba inaga fulin. Ka gudub.

Haddaba mudadii shanta sanno ahayd ee uu Xildhibaanku ka tirsanaa xukuumaddahaddii aan is idhaahdo wax ka tilmaam waxa uu qabtay waxa tusaale inoogu filan;

·In uu ka qayb-qaatay furitaanka Dugsiga sare ee Boodhanka Oodweyne Secondry School oo ilaa maanta furan walow ay wakhtigan xaalad adagi la soo darseen

·In uu ka qayb-qaatay dhisidda iyo horumarintadhaliinyarada Gaar ahaan xagga ciyaaraha oo uu ahaa gacanta koowaad ee ay taageerada ka helaan

·In uu keenay gaadiid iyo qalab dhammeys tiran oo uu ugu tala-galay dhismaha wadada Burco Oodweyne illaa Hargeysa, taas oo uu ka soo qaadaydawaladda, walow ay immika gaadiidkaas iyo qalabkaasiba uu gacanta u galay cid gaar ah

·In uu Xildhibaanku Gaadiid uu isagu leeyahay uu ugu deeqay Xarunta Dawladda Hoose ee Oodweyne

·In uu Cisbitaalka Guud ee Degmada Oodweyne uu keenay gaadhi Ambalaas ah oo uu Dahabshiil ka soo qaaday iyo Ambalaas labaadoo mar danbe uu ka soo qaaday Dawladda, kaas oo ilaa maanta shaqeeya.

·In uu ceel riig ah Dawladda ka codsaday in Gobolka laga qodo, kaas oo la keenay walow aanu sidii loogu talagay noqon

·In uu ka qayb qaatay ururinta qaadhaanka jidka dhismahawaddada Oodweyne, walow ay ugu danbayntii ka istaagtay xagga Dawladda iyo Bulshada Reer Oodweyne

·In muddadii dawladda ka tirsanaa uu Gobolka Daadmadheedh ugu hawlgalay sidii Gobolka loogu heli lahaa Badhisaab tayo iyo tamarba leh sidii Cali Cawil Cabdi oo ahaa badhisaabkii ugu qiimaha badnaa ee Gobolka soo maray, [Alle khayr ha siiyee bulshadu abaal wayn ayay ninkaas u haysaa]

·In uu isku xidhay shacabka ku nool Gobolka Daadmadheedhiyo dawladda iyaga oo markii hore uu gidaar wayni ka dhex dhisnaa dhexdooda, walow uu gidaarkii mar labaad dhexdooda ka dhismay

·In uu mashaariic badan kaga fuliyay Gobolka Daadmadheedh muddaadaas iyada ah

·In uu dhalliinyaro badan gacan-qabtay oo goobo badan kala hawl galay sidii ay shaqo uga heli lahaayeen.

Intaas iyo in badan oo kale ba waa xasuusaha maguuraanka ah ee lagu xasuusan doono Xildhibaanka, walow uu ahaa kaligii haddana waxa uu qabtay wax badan oo ayna wadari qabateen, iyada oo ay xusid mudan tahay heerka uu ka gaadhay hanaqaadka siyaasadda iyo tacliinta, illeyn taasi ba waa wax-qabad oo waa wax bulshada iyo baladka Gobolka Daadmadheedh u soo kordhaye.Xaqiiqduna waxa ay tahay in uu Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf waxna qabsaday waxna dadkiisii u qabtay, waa na halbeegga ugu wacan qof ku tallaabsan lahaa. Dabcan buunbuunin igama aha balse, waa wax uu garaadka fayoobi garan karo, garaadka falaagay na uu ilduufi karo. Waxaan xusid mudan in ay jiraan dadyow kale oo wadar iyo waaxid ba eh oo horumarka Gobolka Daadmadheedh qayb ku leh, hase ahaatee Xildhibaanku waa kaalinta u horreysa ee sifahaas leh. Hadda ma ila socotaa? Dhankaas dhan dheh.

Dhan kale haddii aynnu jaleecno maanta Gobolka Daadmadheedh waxa uu saddexdii sanno ee u danbeyayuu ku laabtay xaalad dib-u-dhac oo xag walba ah, sida waxbarasho la’aan, biyo la’aan, abaaro, barokac, waddo-xumo, dhaqaale la’aan, caafimaad darro, shaqo la’aan, iyo maamul-xumo. Haddaba halkaas marka aynnu mareynno waxa imanaysa su’aal ah; dayaca iyo dib-u-dhaca ku habsaday Gobolka Daadmadheedhyaa masuulka ah?

Wayddiintaas war-celinteeda aan idin kalo hufo oo aan idiin kala haadiyee idinna hawraarsan dheha, kuna dheehda dhaaye fayow.

Dayaca iyo dib-u-dhaca Gobolka Daadmadheedh waxaa ka masuul ah, ama se aan idhaahdo u sabab u ah:

1.Ugu horreyn waxa masuuliyaddaas qaadaya kana masuul ah dib-u-dhacaas dawladda oo hagrataywaxqabadkii ummadda ee loo ga baahnaa in ay Gobolka Daadmadheedh ka fuliso, sababta oo ah, iyadaa masuul ka ah bulshada. Haddii markii uu Xildhibaan Waabeeyo uu dawladda ka tirsanaa ay waxqabad [haba yaraade] Gobolka Daadmadheedh ay kafulin jirtay, ma aha in ay Gobolka faraha ka qaaddo markii uu Xildhibaanku ka tagay, sababta oo ah xildhibaanku Gobolka madaxa kuma uu sidan ee waajibaadkiisa unbuu gudanayay. Taasi na waxa ay u muuqataa in ay xukuumaddu Gobolka Daadmadheedh ay Xildhibaan Waabeeyo ka urisay sidaa na ay faraha uga qaadday. Sida oo kale iyana waxa sabab u ah Siyaasiyiinta ka soo jeedda Gobolka Daadmadheedh oo noqday kuwo ka kaaftoomay danaba Bulshada Gobolka Daadmadheedh una kaaftoomay danahooda gaarka ah, dhab ahaantiina haddii ay sidii Xildhibaan Waabeeyo ay dawladda Gobolka u dheegi lahaayeen waxaa hubaal ah in Gobolka Daadmadheedh uu xaqiisa heli lahaa haba yaraato e. Waxa iyana sababtaas dib-udhaca ah ka wakiil ah Madaxda Gobolka iyo Degmada oo noqday kuwo fadhiid ah oo ka gaabiyay waajiboodkoodii shaqo.

2.Bulshada u dhalatay Gobolka ayaa iyana sabab u ah dib-u-dhacaas Gobolka Daadmadheedh saameeyay. Waliba sababta koowaad iyaga ayaa leh, sababta oo ah, Dawladda iyaga ayaan wax ba kala hadlayn oo qof waliba waxa uu ku fooggan yahay danihiisa gaarka ah, oo waxa uu illaabay dantii guud ee Gobolka. Horta yaa arkay Reer Oodweyne oo habeen kaliya soo istaagay warbaahinta oo la garnaqsaya xukuumadda? Car yaa arkay waa taase? Dee ma jirto sow ma aha? Malaha reer Oodweyne waxa ay illoowsan yihiin maahmaahdii ahayd,"Nin aan hadal habartiina wax ma siiso.”Wax kale iska daa oo Reer Oodweyne waxa ay lahadli kari la’yihiin Shirkadaha ka ganacsiga ee Gobolka kuwaas gobollada kale ba wax u qabta, tamar darrada ReerDaadmadheedh haysawaxay shirkadahaasay Gobolkauwayddiisan kari la’ yihiin kaalintii horumarka ee Gobolku xaq ugu lahaa in ay fuliyaan, xitaa shirkadda laydhka bixisa ayay odhan kari la’ yihiin, "security-light magaaladan damta ah nagaga xidh!” illeyn dawladdii xaqqa loogu lahaa baahiyaha aasaasiga ah waa tan iyadii allow-sahalka ahe. Malaha reer Oodweyne sidan ayay jecel yihiin ayaan marar qaar is idhaahdaa.

Dabcan haddii ay dawladdu kaa jeesato bulshada ayay ku wacan tahay in ay dawladda soo jeediyaan oo xaqoodaka ka soo dhacsadaan. Ase haddii xitaa ay dawladdu kuu badheedho oo ay wax kuu qaban waydo bulshadu waa in ay aamintaa awooddeeda iyo in ay iyadu wax qabsan karto oo Ilaahay mooye cid walba ka maarmi karto, illeyn bulshadu haddii ay awooddeeda aaminto iyadaa cid walba ka awood roone, xitaa haddii aanay adduun ay wax ku qabsato hayn, waxa ay keeni kartaa arrin ay keento isla adduunka laftigiisa e. miyayna sidaa ahayn? Imisa gobol ayaa is abaabulay oo wax qabsaday? Dabcan way badan yihiin, balse Gobolka Daadmadheedh dib-u-dhaca waxa u sii sababay waa ummad foorarta, Siyaasigeeduwaa kaligii noole, madaxdeedu waa meel bannaan, tijaarteedu waa tamar la’aan, aqoonyahankeedu waa uur-ka-taah, qurba-joogteedu waa qiiro-ku-nool, cuqaasheedu waa cunta-raadis, wadaadkeedu waa waji-ka-nuur, dhaliinyaradeedu waa dheel-u-roor, cirroolaheeduna waa cuud-ag-joog, dawladda ay wax ka sugayaanna waa digo-hoos ka nool.

 

Ugu danbayn Bulshada Gobolka Daadmadheedh cidna uma maqma ceel uma qodna, sidaa darteedbulshada oo dhammi qaran-joog ilaa qurba-joog haddii aanay dhexdooda tashan oo aanay boodhka ka kicin ha ogaadaan in magacaGobolka Daadmadheedh uu isku beddeli doono Gobolka Dad-madhan.

Wabillaahi Tawfiiq

 

Sayid Maxamed Cumar "Darwiishka”

Email:awdaahir2050@gmail.com

Tell:+252-63-4381712




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip