Imaaraadka Oo Jawaab Dadka Ka Qoslisay Kaga Jawaabay Jibadii Xamar.

0
Saturday March 03, 2018 - 18:43:47 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka Oo Jawaab Dadka Ka Qoslisay Kaga Jawaabay Jibadii Xamar.

    Hargeysa(Halgan) dawladda dalka Imaaraadka xubno kamid ah ayaa ka jawaabay hadalkii laab la kaca ahaa ee xukumadda Karmaajo kasoo yeedhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Halgan) dawladda dalka Imaaraadka xubno kamid ah ayaa ka jawaabay hadalkii laab la kaca ahaa ee xukumadda Karmaajo kasoo yeedhay.

Qoraa Daraar Bil Hawl oo kamid ah qoraayadda Imaaraadka ugu caansan ayaa si cajiib ah uga jawaabay hadalkii kasoo yeedhay dawladda Xamar ee taagta daran.

Waxaanu dawladda Muqdisho weydiiyey Su’aalo indhaha dadka soo jiitay, kuwaas oo uu kusoo qoray bogga uu ku lee yahay Twitter-ka, kuwaas oo u dhignaa sidan:-

1: Imisa Mitir ( maaha Kilomitiro) ayay xukuntaa dawladda Karmaajo ( Karmaajo waa magac Imaaraadku u bixiyey Farmaajo) ?.

2:muddo intee le’eg ayay xukumadda Somaliya ka hadlaysay ama arkaysay waxyaalaha ka socda Jamhuuriyadda madaxa banaan ee Somaliland oo ah dawlad maamusha lix Madaar iyo Afar dekedood oo ganacsi.

Su’aalahan ayaa laf dhuun gashay ku ah dawladda aan maamulin dalkay sheegato intiisa badan ee Muqdisho, iyada oo ku noqotay su’aal aanay jawaab u hayn.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii uu ra’isal wasaaraha dawladda Muqdisho shalay sheegay in aanay ogolayn waxna ka ogayn heshiis ay wada gaadheen saddexda dawladood ee Somaliland,Ethiopia iyo Shirkadda Dp World ee Imaaraadka laga lee yahay .

No automatic alt text available.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip