Warqad Uu Hogaamiyihii Hore Ee Reer Hindiya U Qoray Nin Baaderi Ah Oo Maraykanka Lagu Kala Iibsaday.

0
Saturday March 10, 2018 - 13:09:22 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad Uu Hogaamiyihii Hore Ee Reer Hindiya U Qoray Nin Baaderi Ah Oo Maraykanka Lagu Kala Iibsaday.

    Warqad uu qoray hogaamiyihii hore ee dalka Hindiya Mahatma Gaandhi ayaa lacagtii ugu badnayd lagu kala iibsaday wadanka Maraykanka,warqadan ayaa ahayd mid uu Gandhi u qoray nin baaderi ahaa oo kacodsaday Gandhi inuu soo galo diinta Kiristaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warqad uu qoray hogaamiyihii hore ee dalka Hindiya Mahatma Gaandhi ayaa lacagtii ugu badnayd lagu kala iibsaday wadanka Maraykanka,warqadan ayaa ahayd mid uu Gandhi u qoray nin baaderi ahaa oo kacodsaday Gandhi inuu soo galo diinta Kiristaanka.

Baaderigan warqadda loo qoray ayaa kasoo jeeday ama u dhashay wadanka Maraykanka,waxaana lagu magcaabi jiray Milton Newberry Frantz, waxaanu warqaddaasi kaga codsaday Gandhi soo gelida Diinta Masiixiga, iyada oo uu Gandhi laftiisuna u jawaabay.

Gandhi oo aan aqoon badan u lahayn Diinta Masiixiga iyo Nebi Ciise CS ayaa qoraalkaasi ugu sheegay Baaderigaasi reer Maraykan in uu og yahay in Nebi Ciise kamid ahaa dadka ugu wanaagsan Dunnida.

Waxaana warqaddan loo diray ninkaasi Baaderiga ahaa 6 bishii April ee sannadkii 1926-kii, taas oo gaadhey Baaderigaasi Milton Newberry Frantz.

Waxaana warqaddan oo lagu hayey wadanka Maraykanka lagu iibiyeylacag dhan 50,000 oo Dollar, iyada oo aad usoo jiidatay indhaha maalqabeenadda caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip