XAKAMAYNTA QABYALADA, SIYAASIYIINTU DIYAAR MA U YIHIIN?

0
Thursday March 22, 2018 - 21:12:32 in Maqaallo by Halgan News
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAKAMAYNTA QABYALADA, SIYAASIYIINTU DIYAAR MA U YIHIIN?

    Waxaad dhagastay qudbada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu kula hadlayay jahliyada Dubia. Madaxwaynaha waxa uu u soo jeediyay ummada Somaliland in ay ka soo talo bixiyaan sida xal looga heli lahaa saddex masiibo oo haysta ummadeena

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaad dhagastay qudbada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu kula hadlayay jahliyada Dubia. Madaxwaynaha waxa uu u soo jeediyay ummada Somaliland in ay ka soo talo bixiyaan sida xal looga heli lahaa saddex masiibo oo haysta ummadeena

, kuwasi oo kala ah; QAADKA, QABYALADA, IYO SHAQO LA’AANTA. Haddaba, waxaan qoralkani ku soo bandhigayaa sida loo xakamyn karo QABYALADA.

Inta aan mawduuca ka hadlin waxaan doonaya in madaxwayne ku hanbalyeeyo heshiiska DP World ee uu soo khatimay. Dadka Somaliland ee ka soo herjeeda heshiiskani, waxaa waydiin lahaa:

1) Heshiiskani dekada Berbera, ma waxbuu u soo kordhinaya dakada iyo dalka, mise waxbuu u dhimayaa?

2) Mida labada, inagu Somaliland ahaan, ma haysanaa dhaqalaha, aqoonta aynu ku horumarino dakada Berbera, si ay ula tartanto dakadaha Djabouti?

Waxaan u sheegaya dadka ka soo herjeeda heshiiskani, in aanu jirin heshiis sida aad adigu rabtid u hirgala. Waqaca dalkeena ku jiran waa mid aan inoo samaxaynin in aynu gorgortan adag la galno dalalka (sharkadaha) doona in ay maalgashadan dalkeena.

Waxaan kale oon soo dhawaynayaa saldhiga milatariga ee Berbera ee loo ogaladay in ay dawlada Emaradku isticmaalan. Lakiin ogalaashahani, waa in aanu marnaba ka hor imanynin jiritaanka iyo ‘sovereignty’ dalkeena, taasina waa in ay ku cadahay heshiiska. Haddii ay dawlada Emaradku jabiso qodabkani, waa in aynu kala noqono ogalanshaha.

Haddaba, haddii aan u daadago nuxurka qoralkani oo ah XAKAMAYNTA QABYALADA.

Dadka Somaliland waxay ku abtirsadan Beelo, marka qabiil ma tirtiri karno ee waa in aynu ku dadaalno sida aynu u xakamayn lahayn qabyaalada.

Sida daradeed, waa in aynu marka hore kala sarno qabyalada iyo siyaasadda (ama dawlad-nimada). Dimuqradiyada aynu qadanay waa hab dawladnimo oo siddiisaba daciif ah, siyaasiyiintu marka tartamayaan waan in ay ummada u kala qayb qaybin qabiilooyin.

Waxaynu xusbiyada siyaasada u samaysanay si aynu qabyalada uga baxno. Lakiin hadal la iska yidhaa lagagama baxo qabyalada ee waxaa loo bahan yahay in si cilmiyaysan loo darso, ficilna lala yimado. Teeda kale, xalka qabyalada looma waayin, lakiin hogaamiya yaasha Somaliland ayaa rabin ama diyaar u ahayn in ay xalka fuliyaan.

Haddaba, xalka qabyaladu lagu xakamaynayo waxaa uu yahay:

1)Xusbiyo qaranka oo la wada leeyahay.

Si loo helo Xusbiyo qaran ooy ummada Somaliland wada leeyahay:

a) Waa in la diiwan galiyo tageerayaasha xusbiyada. Tageerayaasha xusbi kasta ee dalka oo dhan, Lawyacado ilaa Bocane. Haddaba, si loo hirgaliyo diiwan galinta xusbiyada, waa in la cayimo wakhtiga diiwan galintu qabsoomayso.

 

b) Marka xiga, waa in degmo (ama xaafad) kasta soo xushaan xubnaha golaha dhexe ee xusbiga, heer degmo, gobal iyo qaran. Tirada golaha dhexe ee degmo (ama xaafadi) waa in lagu saleeyo tira degmada iska diiwan galisa.

 

c) Si aan beel (beelo) u yeelan xusbi, waa in GUDOOMIYAHA XUSBIGA iyo MUSHARAXA MADAXWAYNE EE XUSBIGA LA KALA SAARO. Gudoomiyaha xusbigu waa in maamulo xusbiga, lakiin aanu noqon musharaxa madaxwayne ee xusbiga. Haddii uu doonayo inuu musharax madaxwyane noqdo waa inuu iska casilo jagada gudoomiyaha xusbiga, mudo ugu yaran sanada ka hore.

 

d) Dawladau waa in ay bixiso dhaqaalaha xusbiyada lagu maamulayo. Sida kirada xafiisyada xusbigu ku leeyahay gobalda iyo xafiiska casimada ku yaala. Mushaharka shaqale xafiisyadani, gudoomiyayaasha xusbiga heer gobalada iyo heer qaran.

 

e) Ugu danbayntii, golaha dhexe xisbigu waa inuu diiwan galiyo musharaxiinta doonaya inay isu soo sharaxaan golaha deganka, wakiilada iyo madax waynaha iyo madaxwayne ku-xigeenka ee buuxiya shuruudaha laga rabay. Doorasho hor-dhac ah (Primary election) waa in tageerayaasha xusbiga u diiwan gashan ee degmo soo kala reeban, soona xulan musharaxiinta doorashada kama danbaynta ah uga qayb galaya xusbiyada.

 

2) Maamul daadajin

Somaliland waxaa ka jira laba dawlada; dawlada dhexe iyo dawlada hoose. Dawlada hoose waxay maamushaa bahiyaha si tooska ah u tabta dadka magalooyinka ku nooli. Marka waxaa loo bahan yahay in mayarada iyo xildhibanada golaha deganku noqdan kuwo karti, iyo aqoon leh, isla markana masuuliyada loo doorto ka soo bixi kara. Haddaba, si loo helo dawlada hoose oo shaqo fiican qabtan, waa:

a) In golaha dhexe xisbigu ee heer degmo (xafad) waa in ay diiwan galiyan musharaxiinta doonaya in ay isu sharaxaan golaha deganka, iyo golaha wakiilada ee buuxiya shuruudaha laga rabo. Doorasho hor-dhac ah (Primary election) waa in tageerayaasha xusbiga u diiwan gashani ku kala reeban, soona xushan musharaxiinta doorashada golaha deganka, iyo golaha wakiilada uga qayb galaya xusbiga.

Haddaba, haddii aanu doorashadani ayna inoo hirgalaynin qodabkani. Marka waa in golaha dhexe ee xusbiga ee heer degmo (ama xaafadeed), iyaga oo la kashanaya dhalin yarada, dumarka iyo aqoon tageersan xusbigu tageersan ay soo kala reeban musharaxiinta, soona xushan musharaxiinta doorashada kama danbaynta ah uga qayb galaya xusbiga. Sida daradeed, waa in ayna caqiilo iyo odayaal jaahiliinta ahi ayna soo xulin xubnahan golaha deganka, iyo golaha wakiiladaba.

b)Waa in Mayarka iyo Mayar Ku-xigeenka si TOOSA LOO DOORTO. Tani waxay keenaysaa in jagooyinkani isu soo sharaxaya dad khibrad iyo aqoon ay ku hanan karan shaqadan leh. Haddiise 25 xubnood ee golaha deganka is cugtan. Marka, hogaankii magaladu u bahnayd ayaa meesha ka baxaya. Arintuna waxuu noqonayaan is qab qabsi joogta ah. Mayarku sidan lagu soo doortana waxba ma qaban karo.

 

c) Ugu danbayntii, waa in tirada golaha deganka la dhimo, oo kala badh laga dhigo. Tusaale ahaan, golaha deganka ee magalada Hargaysi waa in aanu ka badnaan 12 xubnood (10 xubnood golaha deganka ah, mayar iyo mayar ku-xigeenkiisa).

Haddaba, marka ay dawlada hoose ku guulaysato shaqada shacabku u doorteen. Dadku waxay ogaanayaan in dawlada hoose iyo dawlada dhexe hawsha kala leeyihiin, had iyo jeer wax kasta ka filli mayaan in ay xukuumada (ama Dawlada dhexe) u qabato.

Waxaa fiican in aynu is waydiino waxa dhiiri galiya ama naxiya ku dhaqanka qabyalada?

Marka, madaxwaynuhu iyo reerkiisu hantida ummada ku takri falaan. In badan oo beesha madaxwaynuhuna ka mid ahi, iyaga oo awooda madaxwaynaha isticmalaya ay hantida ummada si sharci daro ah ku booban. Markaa kursiga madaxtooyadu waxa uu noqonayaa asad ay beeluhu ku dagalaman, oo beesha kursiga ku guulaysata ay macashto.

Marka xiga, marka uu wasiir kasta shaqaalaysiiyo beeshiisa, wasaaraduna noqoto maqaaxi reer leeyahay. Taasina waa ta kenaysa in beelkasta doonto in ay hesho wasiirada ugu badan.

Haddaba, xalku muxuu yahay lagu xakamaynayo xukuumada iyo qabyalada is barkan?

Waa in hay’ada shaqalahu noqoto mid madax banaan oo shaqalaha dawlada oo dhan hoos yimadan, una hawl gasha si cadalad iyo hufnaan ku jirto. Si qofka shaqo doonka ahi, jagada uu u qalmo u helayo. Shaqalaha si fiican ugu u shaqaystana la dalacsiinayo iyada oon qabiil loo eegayn. Isla markan qofka shaqadiisa ka soo bixi wayana la eryi karo. Teeda kale, marka uu musuq maasaqu noqdo mid cid kasta ka xarana, oo haddii madaxwayne yahay iyo haddii shaqaale hoose yahayba uu sharcigu qabanayo, markaasi ayaa dawo loo helayaa qabyalada.

Mudadii Somaliland jirtay iyo wakhti ka horaysayba, dadkeenu ma ay helin dawlad si hufan dalka u maamusha. Sida daradeed, waxaa loo bahan yahay in wacyi galin badan la sameeyo, dadkana la baro waxay dawlada wanagu tahay. Lakiin, hadal kaliya looma baahna ee waa in ay dawladu marka hore fuliso qodaba kor ku xusan, isla markaan ku dhaqanto dawlada wanaaga.

 

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR A. YOUSUF OAKLAND, CALIFONIA

DALAYADA "DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip