Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay Magaaladda Laascaanood.

0
Sunday April 08, 2018 - 10:42:50 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay Magaaladda Laascaanood.

    Alle ha u naxariistee waxa magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu dilay ganacsade gobolkaas caan ka ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee waxa magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu dilay ganacsade gobolkaas caan ka ahaa

 oo lagu magcaabi jiray Maxamed Cabdi Timir Cali Shire, waxaanu magaaladda Laascaanood ku haystay carwo weyn oo kamid ah goobaha ganacsi ee magaaladda sida weyn looga yaqaano.

Ganacsadahan ayaa la sheegay in ay dileen laba nin oo ku hubaysnaa qoriga loo yaqaano AK47, waxaanay xidhnaayeen raga dilka geystay dirayska Military-ga.

Wararka laga helaayo magaaladda ayaa sheegaaya in ninkan ganacsaddaha ah loo dilay aano qabil, iyada oo la daba socday dagaalo hore uga dhacay meelo kamid ah gobolka Sool.

Ilaa hadda ma jirto cid si cad uga hadashay dilkan, iyada oo laga warsugaayo maamulka degmadda Laascaanood iyo gobolka Sool.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip