Ciidamada Kuuriyadda Koonfureed Iyo Maraykanka Oo Soo Afmeeray Dhoolatuskii Ay Ka Wadeen Pohang.

0
Sunday April 08, 2018 - 11:25:36 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kuuriyadda Koonfureed Iyo Maraykanka Oo Soo Afmeeray Dhoolatuskii Ay Ka Wadeen Pohang.

    Ciidamada Wadamada Kuuriyadda Koonfureed iyo Maraykanka ayaa soo gebo gebeeyey dhoolatus ay in muddo ah wadeen, kaas oo maanta oo Axad ah ku ekaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Wadamada Kuuriyadda Koonfureed iyo Maraykanka ayaa soo gebo gebeeyey dhoolatus ay in muddo ah wadeen, kaas oo maanta oo Axad ah ku ekaa.


Wakaaladda wararka ee Koonfurta Kuuriya oo ay warkan kasoo xigatay shabakadda Halgannews ayaa sheegtay in ciidamada labada dal ay soo gebo gebeeyeen dhoolatus ay bilaabeen 1 April, kaas oo ka socday magaaladda Pohang ee Kuuriyadda Waqooyi.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in ciidamadu ku noqon doonaan fadhiisimadoodii, halka ciidamada Maraykankuna ku noqon doonaan Okinawa oo ah dalka Japan, halkaas oo ay hore uga yimaadeen.

Ciidamadan labada dal oo dhoolatuska ay samaynayeen uu ahaa mid cirka iyo badda u badnaa ayaa la filaayey in uu soo gebo geboobo 15-ka bishan, laakiin waa la joojiyey cimiladda oo xumaatay awgeed.

Dhoolatuskan ayaa sannadkan ahaa mid heerkiisu hooseeyey, kadib markii laysla qaatay in uu noqdo mid aan waxyeelayn xidhiidhka soo hagaagaaya ee dawladdaha Kuuriyadda Koonfureed, Maraykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip