Ciidamada Imaaraadka Oo Laga Cabsi Qabo Inay Hawlgalo Ka Fuliyaan Puntland .

0
Saturday April 14, 2018 - 16:54:23 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 842
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Imaaraadka Oo Laga Cabsi Qabo Inay Hawlgalo Ka Fuliyaan Puntland .

    Ciidamada Imaaraadka Oo Laga Cabsi Qabo Inay Hawlgalo Ka Fuliyaan Puntland .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Imaaraadka Oo Laga Cabsi Qabo Inay Hawlgalo Ka Fuliyaan Puntland . Maamul goboleedka Puntland ayaa dhulkooda ka saaray maanta khubarro ciidan oo ku sugnaa duleedka magaaladda Boosaaso, kuwaas oo gacanta ku hayey ciidamada Badda ee Puntland oo ay tabobari jireen.
waxaana arrintani timid kadib markii dawladda Imaaraadku si adag uga cadhootay lacago ay dawladdu lahayd oo ay dawladda Muqdisho la wareegtay, taas oo loogu talo galay in la siiyo ciidamada ay dawladda Imaaraadku ku tabobartay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, waxaanay taasi keentay in uu sii xumaado cilaaqaadka labada dawladood ee Imaaraadka iyo Muqdisho.
maamulka Puntland ayaa garabka saaray maamulka Muqdisho, taas oo keentay inay isku dhacaan dawladda Imaaraadka iyo Maamulkaasi Garoowe, waxaana si deg deg ah ay dawladda Imaaraadku magaaladda Boosaso ugala baxday khubarro ciidan oo ka joogay halkaasi, kuwaas oo tabobaro siin jiray Ciidamada Badda ee Puntland.
maamulka Puntland ayaa saraakiishaasi kala hadhay qalabkii ay siteen , kuwaas oo ay ku jireen laba raadaar oo kuwa diyaaraddaha lagu ogaado ah, waxaanay ku sheegeen maamulka Garoowe in qalabkaasi yahay mid Somaliya yeelan doonto, taas oo ka cadhaysiisay dawladda Imaaraadka iyo ciidamadeedaba.
waxaana dhici karta goor kasta in ay awood kula wareegto dawladda Imaaraadku qalabkaasi ciidan ee ay Puntland sida indho la'aanta ah ula wareegtay ,waxaanay cabsiyi arrintaas kasoo foodsaartay dadka ku dhaqan boosaaso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip