|
|||
![]() Akhriso Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Saaka Ka Dhacay Degaano Hoos Yimaada Ceel Afweyn.
Khasaaraha ka dhashay dagaaladii saaka ka dhacay degaano kala duwan oo hoos yimaadda degmadda Ceel Afweyn ayaa ah mid isa soo taraaya.
Khasaarahan ayaa isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaanay wararku sheegayaan in dadka ku dhintay dagaalkaasi saaka ay marayaan ilaa 7 qof, halka ay jiraan sidoo kalena dhawr qof oo iyaguna dhaawac ah. Magaaladda Ceel Afweyn dhexdeeda ayaa iyadu ah mid degan, iyada oo aanay wax saan saan colaadeed ahi ka jirin magaaladda waqtigan, sidoo kalena waxa magaaladda lagu dhex arkayaa ciidamo ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland oo gaaf wareegaaya magaaladdaasi. Waxa socda gurmadyo ay wadaan odayaal kala duwan oo ka kala baxay goboladda Togdheer iyo Sanaag , kuwaas oo doonaaya inay xaaladaasi qaboojiyaan, isla markaana ay nabadgelyo kusoo dabaalaan degaankaasi.
Leave a comment |
|
Copyright © 2016 - 2019 Halgan News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Akhriso Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Saaka Ka Dhacay Degaano Hoos Yimaada Ceel Afweyn.
Khasaaraha ka dhashay dagaaladii saaka ka dhacay degaano kala duwan oo hoos yimaadda degmadda Ceel Afweyn ayaa ah mid isa soo taraaya.