Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Qaaday Talaabo Cabudhin Ku Ah Shacabka Magaaladda Burco.

0
Monday May 14, 2018 - 19:44:42 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Qaaday Talaabo Cabudhin Ku Ah Shacabka Magaaladda Burco.

    Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Qaaday Talaabo Cabudhin Ku Ah Shacabka Magaaladda Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Qaaday Talaabo Cabudhin Ku Ah Shacabka Magaaladda Burco.

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa amaro culus oo u muuqda cago juglayn kusoo rogay goobaha ganacsi ee magaaladda Burco.

Badhasaabka ayaa goobahan ku amray inay calanka Somaliland sudhaan hortooda, iyada oo uu ugu hanjebay in uu ruqsadda ganacsi kala noqon doono cidii saari weyda, waxa kale oo uu ugu hanjebay in talaabo adag laga qaadi doono cidii amarkaasi fulin weyda.

Waxa kale oo uu Badhasaabku ku amray isu duweyaasha gobolka Togdheer u jooga wasaaraddaha dalka in ay xafiisyadooda sudhaan sawirka madaxweynaha Somaliland .

Arrintan ayaa u muuqata mid keeni karta kala fogaansho u dhaxaysa badhasaabka gobolka Togdheer iyo ganacsatadda gobolkaasi , madaama oo talaabadda uu qaadayaa tahay mid khasab ah .

Guddidii abaabulka munaasibadda xuska 18 May ee gobolkaasi ayaa iyaguna noqday kuwo ka gaabiyey hawlihii loo igmaday sida ay shacabka gobolkaasi tilmaamayaan.

Dhinaca kalena waxa kor u kac baahsani ka jiraa shidaalka gobolkaasi, iyada oo aanay ilaa hadda ka hadlin xukumadda Somaliland sababta keentay kor u kaca shidaalka magaaladda Burco oo magaaladaasi ku kooban.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip