Ciidamada Puntland Oo Ilaa Hadda Guran Kari La Askartii Lagaga Dilay Dagaalkii Shalay.

0
Wednesday May 16, 2018 - 12:11:30 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Puntland Oo Ilaa Hadda Guran Kari La Askartii Lagaga Dilay Dagaalkii Shalay.

    Ciidamada maamulka Puntland ayaa ilaa hadda tahli kari la' in ay gurtaan maydadka ciidamadii shalay lagaga laayey dagaaladii ka dhacay degaanadda Tuka-Rag ee gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada maamulka Puntland ayaa ilaa hadda tahli kari la' in ay gurtaan maydadka ciidamadii shalay lagaga laayey dagaaladii ka dhacay degaanadda Tuka-Rag ee gobolka Sool.

Ciidamada maamulkaasi oo garabsanaayey ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dawladda Muqdisho ayaa shalay weeraro gaadmo ah kusoo qaaday ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan aagaga hore ee gobolka Sool, halkaas oo ay kala kulmeen jab aad u baaxad weyn.

Waxaana lagaga laayey ciidamo aad u tiro badan oo ilaa hadda ay maydadkoodii daadsan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay, waxaanan jirin cid maydadkaasi kusoo noqotay oo dhinaca ciidamada Puntland ka socota, waxa kale oo meesha ka baxay soo rogaal celintii ay ciidamadu saddexda jeer sameeyeen ee weeraradda ahaa.

Ciidamada Qaranka ayaa heegan xoogan ku jira, waxaana suurtogal ah in ay marwalba xabadu faraha ka baxdo, inkasta oo ay ciidamada Dawladda Muqdisho degeen goobo u dhow magaaladda Garoowe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip