Ciidamo Maraykan Ah Oo Lagu Laayey Duleedka Kismaayo.

0
Saturday June 09, 2018 - 12:21:45 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Maraykan Ah Oo Lagu Laayey Duleedka Kismaayo.

    Ururka Alshabaab ayaa weerar uu ku qaaday ciidamada Somaliya iyo kuwa Maraykanka ee degan duleedka Kismaayo waxay ku laayeen ciidamo Maraykan iyo Somali isugu jira, iyadda oo ay jiraan ciidamo kale oo iyaguna dhaawacmay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Alshabaab ayaa weerar uu ku qaaday ciidamada Somaliya iyo kuwa Maraykanka ee degan duleedka Kismaayo waxay ku laayeen ciidamo Maraykan iyo Somali isugu jira, iyadda oo ay jiraan ciidamo kale oo iyaguna dhaawacmay.


Ciidamadan Maraykanka ayaa waday waqtigaasi hawlgal ay ku caawinayeen Ciidamada Kamaandooska Somaliya , iyagaa oo waqtigaasi ku sugnaa degaanka Sanguuni ee duleedka magaaladda Kismaayo .

Sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyey khasaaraha ka soo gaadhey ciidamadooda weerarkaasi, iyadda oo halkas lagaga dilay hal askari tiro kalena lagaga dhaawacay.

Diyaarad ay lee yihiin ciidamada Maraykanku oo ah nooca Qumaatiga u kaca ayaa askariga Maydka ah iyo kuwa dhaawacmayba ka qaaday goobtaasi .

Waa weerarkii labaad ee khasaare intaas le’eg loogu geysto ciidamada Maraykanka iyadda oo bishii ina dhaaftay ee May laga laayey ciidamada Maraykanka askar kale.

Ururka Alshabaab ayaa kordhiyey weeraradda uu ku hayo ciidamada Huwanta ah ee isugu jira Somalida iyo ajaanibka , kuwaas oo dagaalka kula jira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip