Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Ciidamo Lagaga Laayey Somaliya.

0
Saturday June 09, 2018 - 12:42:28 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Ciidamo Lagaga Laayey Somaliya.

    Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa ka hadlay ciidamo Maraykan ah oo lagu laayey dalka Somaliya, kuwaas oo ay weeraro la beegsadeen ururka Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa ka hadlay ciidamo Maraykan ah oo lagu laayey dalka Somaliya, kuwaas oo ay weeraro la beegsadeen ururka Al-shabaab.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitterka waxa uu ka tacsiyadeeyey ciidamadaasi geerida ku timid, sidoo kalena isaga oo caafimaad u rajeeyey kuwa kale ee ku dhaawacmay dagaalkan.

Waxaanu ku tilmaamay ciidamadaasi in ay ahaayeen ciidamo Geesiyaal ah , waxaanu sidoo kale ka tacsiyadeeyey geeridaasi qoysaskii ay ciidamadaasi ka dhinteen.

Ururka Alshabaab ayaa shalay weerar ku qaaday ciidamo isugu jiray Somali iyo Maraykan oo ku sugnaa duleedka magaaladda Kismaayo, kuwaas oo ay khasaare u geysteen waxaanay goobtaas ku dileen askari Maraykan ah , iyaga oo dhaawacay askar kale.

Askarigan ayaa noqonaaya kii labaad ee ciidamada Maraykanka lagaga dilo tan iyo sannadkii 1993-kii, waqtigaas oo Maraykanka lagaga laayey magaaladda Muqdisho ciidan gaadhaaya ilaa 18 askari.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip