Siyaasi Ka Tirsan Waddani Oo Quudhsi Ku Tilmaamay Lacagtii Ay Somaliya Ugu Deeqday Somaliland

0
Monday June 11, 2018 - 14:03:10 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ka Tirsan Waddani Oo Quudhsi Ku Tilmaamay Lacagtii Ay Somaliya Ugu Deeqday Somaliland

    Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay lacagta ay dawladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen ee Somalialnd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay lacagta ay dawladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen ee Somalialnd.


Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa yidhi "Farmaajo isaga oo dagaalkan inuu dhinac yahay lagu eedaynayo ayuu Somaliland u soo diray lacag isagoo oo aan la hadlin, Hiiran iyo Gobol kale oo Somaliya ah ayaa iyana lacagtan oo kale la siiyey, lacagta la bixiyey Farmaajo daacad kamay ahayn, ee qorshihiisa ayaa ahaa in Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Hiiran lacag la siiyo, lacagtaasna waa la siiyey, Somaliland, waxa se nasiib daro ah in Wasiir Sacad Cali Shire,inuu caadi ka dhigo lacagtan la inagu khaldayo, waxaana qabnaa waliba in lacagtan shuruudo lagu xidhaayo, halkan million ee la ina siiyey wuxuu ahaa cad quudhsi, cadka quudhsiina lama qaato, ee inaynu iska dayno ayey ahayd”.

Siyaasi Daamur ayaa mar uu ka hadlaayey Kootada ayaa yidhi "Anagu Xisbi ahaan Kootada waanu ogol nahay, horena waanu u soo jeedinayey, ee Bilshada la takooray, ee Siyaasada lagu takooray,l ee dhaqanka lagu takooray, ee deegaanka lagu takooray, ee mar haddii la yidhi Siyaasadii takoorka waa laga saaraya, waxay ahayd in loo kordhiyo, laakiin saddex xubnood oo kaliya, Beesha Gabooyena waa Beel balaadhan, ee xubnahaas la siiyey maaha wax u qalma, ee waa in looga kordhiyaa”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip