Laascaanood:Muddoharaad Ka Dhacay Laascaanood Oo Khasaare Ka Dhashay.

0
Thursday June 14, 2018 - 15:09:56 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laascaanood:Muddoharaad Ka Dhacay Laascaanood Oo Khasaare Ka Dhashay.

    Muddoharaad ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ka dhashay khasaare dhaawac u badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddoharaad ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ka dhashay khasaare dhaawac u badan.

Muddoharaadkan ayaa ka dambeeyey kadib markii uu suuqa magaaladaasi soo galay gaadhi ay lee yihiin ciidamada Qaranka Somaliland, kaas oo doonaayey in uu ka adeegto suuqaasi.

Gaadhigan oo ay ciidamo saarnaayeen ayaa markii uu soo galay suuqaasi waxa shiiday dumar iyo caruur goobta ku sugnaa,taas oo keentay in ay halkaasi isu bedesho rabshad ay ku dhaawacmeen saddex dumar ahi.

Waxa kale oo albaabada loo laabay goobihii ganacsi ee aagagaasi ku yaaley, iyadda oo laga cabsi qabay in la boobo , waxaanay arrintani kusoo beegmaysaa iyadda oo lagu jiro gebo gebadii bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Ilaa hadda maamulka gobolka Sool kama hadlin dhacdadan, iyadda dadkii dhaawacyaddu kasoo gaadheen rabshaddaasi loo qaaday cisbitaalka Manhal ee magaaladda Laascaanood oo lagu daweynaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip