Xaaladda Degaanka Ceel Afweyn Oo Degan ,Xili Xukumaddu Daawanayso Dhiiga Dadka Walalaha Ah Ee Daadanaaya.

0
Friday July 06, 2018 - 21:28:29 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Degaanka Ceel Afweyn Oo Degan ,Xili Xukumaddu Daawanayso Dhiiga Dadka Walalaha Ah Ee Daadanaaya.

    Xaaladda degaanka Dararweyne oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ayaa ah mid degan kadib markii ay maanta dib uga bilaabantay isku dhacyadii muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnaa degaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda degaanka Dararweyne oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ayaa ah mid degan kadib markii ay maanta dib uga bilaabantay isku dhacyadii muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnaa degaankaasi.

Isku dhacan ayaa bilaabmay kadib markii nin lagu dilay meel kamid ah dhulka miyiga ah ee degaanka Ceel –Afweyn, ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi .

Xukumadda Somaliland ayaa iyaduna noqotay daawade isku daawada qoysaska walaalaha ah ee isku hor fadhiya degaankaasi, sidoo kalena dhimashadu ka dhex dhacday mararka kala duwan.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa hor istaagey in ay magaaladda Ceel-Afweyn ka baxaan wax gurmad ah oo gaadha degaanadda colaadu kasoo cusboonaatay, iyada oo taasi keentay in aanu dagaalkaasi sii socon waqti badan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hore u sheegay in ay degaankaasi u bixi doonaan wufuud culus oo isugu jirta culimo, aqoonyahan, siyaasiyiin misaan culus ku leh Somaliland iyo nabad doon kale, taas ayaan ilaa hadda hirgelin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip