Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xaaladda Ethiopia.

0
Sunday August 05, 2018 - 19:33:22 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xaaladda Ethiopia.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay xaaladda qalalaase ee dawlad degaanka Somalida Ethiopia, iyada oo si guud uga hadashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay xaaladda qalalaase ee dawlad degaanka Somalida Ethiopia, iyada oo si guud uga hadashay.


Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa si kooban uga hadlay xaaladda dalkasi , isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo xaaladda degaankaasi Somalida ee Ethiopia.

Wasiir Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siinaayey telefishanka Universal TV ayaa sheegay in ay u ducaynayaan dadkaasi , isaga oo ka hadlaayana waxa uu yidhi " horta runtii xiisadaa iminka ka taagan insha allah bi’dimilaahi kariim, waxaanu Ilaahay uga baryeynaa in ay degto oo ay ku dhamaato si nabad ah , waxaanu ugu baaqaynaa ciday khusayso in ay arrinkaasi kusoo dabaalaan si nabad ah”. Dr Sacad Cali Shire.

Mar uu wasiir Sacad Cali Shire ka hadlaayey saamaynta ay arrintani ku yeelan karto Somaliland-na waxa uu yidhi "dabcan wax kasta oo ka dhaca jaarkeenu way ina saamaynayaan inaka ,markaa way fiican tahay in arrinkaasi aanu faraha ka bixin oo nabad lagu dhameeyo, waa arrin u yaala dawladda Ethiopia oo daakhiliya , inagu ma faro gelin karno waxaynu ugu ducayn karnaa uun inuu si wanaagsan ugu dhamaado”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip