Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia Oo Warar Cusubi Kasoo Kordheen.

0
Thursday August 09, 2018 - 18:21:26 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia Oo Warar Cusubi Kasoo Kordheen.

    Xaaladdii dhowaanahanba ka taagnayd dawlad degaanka Somalida Ethiopia ayaa wajiyo cusub gashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladdii dhowaanahanba ka taagnayd dawlad degaanka Somalida Ethiopia ayaa wajiyo cusub gashay

, kadib markii lagu soo rogay amaro kasoo baxay dawladda Federalka ah ee Ethiopia.

Wasiirka Adeegga Shacabka ee dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia Axmed Koore oo u waramaayey warbaahinta Somaliland qaar kamid ah ayaa cadeeyey in madaxweynihii hore ee dawlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) uu xidhan yahay .

Wasiirka ayaa cadeeyey in Madaxweyne Ilay uu ku sugan yahay magaaladda Addis Ababa , iyada oo ay gacanta ku hayso dawladda Federalka ah ee Ethiopia.

Waxa kale oo uu cadeeyey in wasiiradda dawlad degaanka Somalida looga yeedhay magaaladda Addis Ababa, hase yeeshee ay diideen in ay halkaasi tagaan.

Waxa sidoo kale lagu amray xubnaha dawlad degaanka Somalida Ethiopia in ay ka amar qaataan waqtigan wixii ka dambeeya wasiirka Isgaadhsiinta ee Dawladda Federalka ah ee Ethiopia Axmed Shide .

Iyada oo la filaayo in degaankaasi dhowan ay dawladda Dhexe ka samayso maamul la jaan qaadi kara, una muuqda mid meesha ka saaraaya madaxweynihii cusbaa ee dhowaan xilka lagu wareejiyey.

Ilaa hadda xaaladda magaaladda Jig Jiga waa caadi, waxaana dib u furmay suuqyaddii xidhnaa, waxa kale oo olole nadaafadeed magaaladaasi ka fuliyey dhalinyarro isugu jira Somali iyo qoomiyaddaha kale ee Ethiopia, inkasta oo aanay xarumihii dawladdu wada furnayn.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip