Sarkaal Sare Oo Hore Uga Goostay Ciidamada Somaliland Oo Sanaag Soo Galay Caawa.

0
Wednesday September 12, 2018 - 00:38:34 in Wararka by Halgan News
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Sare Oo Hore Uga Goostay Ciidamada Somaliland Oo Sanaag Soo Galay Caawa.

    Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland dhowaana ku biiray jabhadda Kornayl Caare ayaa la sheegayaa in uu caawa soo gaadhey gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland dhowaana ku biiray jabhadda Kornayl Caare ayaa la sheegayaa in uu caawa soo gaadhey gobolka Sanaag.


Gashaanle Jamaal Baaxad oo dhowaan ka goostay Ciidamada Qaranka kuna biiray jabhadda uu hogaamiyo Kornayl Caarre iyo gaadiid uu wato ayaa soo gaadhey degaanka Waqooyi ee gobolka Sanaag, waxaana socdaalkiisa sarkaalkan ku wehelinaaya dhawr askari iyo gaadiid dagaal, waxa kale oo la socda Gaadhigii caafimaad ee uu dhowaan afduubay Kornayl Caare .

Ilaa hadda ma cadda sababta uu u yimid sarkaalkan degaankaasi KULMIYE oo ka tirsan gobolka Sanaag, iyada oo ay jiraan warar is khilaafsan , kuwaas oo sheegaaya in sarkaalkani doonaayo in uu dib ugu soo noqdo ciidamada Qaranka Somaliland, halka warar kalena sheegayaan in uu doonaayo in uu gaadhigaasi Caafimaadka ee degmadda Xiis soo celiyo.

Xukumadda Somaliland iyo jabhadda uu ka tirsan yahay midkoona kama hadlin socdaalka sarkaalkan , iyada oo aanay ilaa hadda jirin wax waan waan ah oo xukumadda madaxweyne Muuse Biixi la furtay jabhadda Kornayl Caarre oo ku sugan degaanka Qardho ee maamulka Garoowe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip